Turkiga oo Wada Qorshe uu ku Dhax Dhaxaadinayo Xiisada Suudaan.

Jan 6, 2025

Suudaan ayaa garabka u raaricisay hidise cusub oo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka mudada 20-ka bilood ah ka holcaya gudaha wadankaas.

Sida saacadihii lasoo dhaafay ay daabacayeen majaladaha Sudan Tribune, Al-Sharqul Awsat iyo kuwa kale oo dhowr ah, Ganerel Cabadi Fitaax Al-Burhaan ayaa soo dhaweeyey qorshe uu gar wadeen ka yahay Turkiga oo la sheegay in la doonayo in lagu soo afmeero colaada u dhexeysa Labada General.

Waxaa hindisan soo bandhigay isagoo wakil ka ah Recep Tayyip Erdoğan wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Turkiga ninka lagu magacaabo Burhanettin Duran, oo mudooyinkaanba booqasho ku joogay gudaha dalka Suudaan.

Dhanka kale wasiirka arimaha dibada Sudan Cali Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney si aad ah usoo dhaweynayaan talaabadaan uu qaadayo Turkiga, ayna kala shaqeyn doonaan waliba si hufan waa sida uu hadalka u dhigee.

Lama oga oo waa hubanti la’aan hadii xukuumada Ankara ay ku guuleysan doonto midaan, maadaaba dhinaca kale ay kasoo jeedaan maleeshiyaatka RSF oo waliba dacmin aanan la dhayelsan karin ka helay dhanka xukuumada Abu Dubai.

FAAFREEB PRO