Wasiirka cusub ee Batroolka iyo Macdanta kooxda ridada Soomaaliya murtad Daahir Shire Maxamed iyo dhigiisa dalka Turkiga ayaa kulamo ku yeeshay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay howlgalka Shidaal barista ee uu Soomaaliya ka wado markabka Oruc Reis oo ay leedahay xukuumada Ankara ee usoo xeed xeedaneysa xayuubsiga kheyraadka wadankan.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaca ka qaaday in markabka Oruc Reis uu dhameeyay boqolkiiba 50 cilmi baarista seismic ee badda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa lagu waramayaa in Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in billaabay hannaan cusub oo wada shaqayneed oo ku saabsan macdanta Soomaaliya, iyadoona markan dowladda ridada ah ee Turkiga ay u hanqal taageyso daabulashada kheyraadka macdanta nuucyada kala duwan ee ku duugan dalkeena.
Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay, isagoo ku andacoonaya inuu baarayo sahamina uu ku sameynayo shidaalka Soomaaliya, balse xaqiiqadu ay midaas ka fogtahay kooxda Muqdisho iyo mida Ankarana ay ku heshiisyeen sidii dalkan ay ugu boobi lahaayeen si wada jir ah waliba har cad.
FAAFREEB PRO