Ugu Yaraan 26 OO ku dhintay shil Gaari oo Ka Dhacay Dalka Itoobiya.

Feb 13, 2025

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 26 qof ay geeriyoodeen kadib markii baabuur Bas ah oo ay la socdeen uu kula gaddoomay magaallada Shambu oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, sida ay shaacisay warbaahinta Fana.

Asnake Mesfin oo ah kormeeraha nabad-gelyada waddooyinka ee Aagga Bariga Wollega ayaa sheegay in 42 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen shilkaasi, isagoo carabaabay in dhimashadu ay sii badan karto, maadaama ayuu yiri xogtu tahay mid horu-dhac ah.

Baska ayaa ka soo ambabaxay magaallada Shambu ee galbeedka dalka, wuxuuna ku sii jeeday caasimadda Addis Ababa, sida ay warbaahinta Fana kasoo xigatay Mesfin.

Shilalka halista ah ee khasaaraha badan geysta ayaa ku badan Itoobiya, waxaana ka mida shil ay ku dhinteen 71 qof oo dabayaaqadii December 2024 ka dhacay gobolka Sidama ee koonfurta dalka Itoobiya.