Joornaalka The Moscow Times ayaa saacadihii lasoo dhaafay nashriyey warbixin uu ku sheegayo Ukrain oo cadyesay in wixii hada ka dambeeya ay dooneyso in dagaalka uu soo gaba-gaboobo sanadka soo aadan gudihiisa.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in 2025 ay doonayaan inuu soo afmeermo colaada ka dhax loolsan iyaga iyo Ruushka, midaasna uu gacan ka geysan karo nidaamka cusub ee Mareykanka oo uu majaraha u qaban doono Donlad Trump 20 January-da soo aadan.
“Waa inaan qaadnaa talaabooyin soo gaba-gabeyn kara dagaalkan soo jiitamaya mudada fog waliba qaab diblumaasiyadeed, waxaana filayaa in midan ay muhiim tahay” ayuu yiri hoaamiyaha xukuumada Kiyev.
Volodymyr Zelensky ayaa hada u muuqda mid ku daalay dagaalka, cabsina ka qaba in xukuumada Putin ay har cad gudaha u gasho magaalooyinka ugu waaweyn Ukrain, hadii mar Trump uu jaro kaalmadii lala garab taagnaa Kiyev.
FAAFREEB PRO