Ukrain ayaa damacsan in iskeeda ay usoo saarato gantaalo cusub xilli ay waqti xaadirkaan ku xeeranyihiin arimo badan oo baqdin galinaya.
Sida ay daabacday Jariirada The Economist ee kasoo baxda dalka Ingiriiska xukuumada Kyev ay ka shaqaynayso sidii ay dib ugu soo noolayn lahayd warshadeheeda gantaallada, xilli hubanti la’aan ay ku gedaamantahay kaalmada militari mar hadiiba uu xafiiska aqalka cad yimaado Donald Trump.
Ukrain ayaa durbadiiba bilowday fulinta mashruuc si ay u soo saarto gantaal la yiraahdo “Trumpeta” waana mid ku socda xawaaraha hoose looguna talagalay in lagu burburiyo difaacyada Ruushka waa sida hadalka loo dhigee.
Baqdintan soo food saartay xukuumada Vladimir Zelensky ayaa u sabab ah hadalada isbada jooga ah ee kasoo baxayey waayahan dambe Donald Trump, isagoona balanqaaday in muddo 24 saac ah uu kusoo afmeeri doono xurgufta Kyev iyo Moscow, taasoo cagsi ku ah damicii Ukrain ee aha in Ruushka looga garba qabto loona fidyo taageero lamid ah mida Joe Biden iyo reer yurub.
FAAFREEB PRO