Sida uu daabacay wargeyska Pravda ee kasoo baxa dalka Ruushka, Ukrain ayaa maalin walba lumasa dhul gaaraya ilaa 20km oo iskuweer ah, taasoo sabab ay u tahay arimo badan oo is biirsaday sida lagu waramaya.
Waxaa hadalkaan yiri saacadihii lasoo dhaafay misana joornaalku uu kasoo xiganayaa fallanqeeye militari ee u dhashay Ukraine oo Taras Chmut, waxa uuna ninkan si cad u sheegayaa ciidanka Kyev baqa cararka ku heysta fagaaraha dagaalka, iyo sida ay maalin walba u baneynayaan dhul hor leh.
Waxaa uu sidoo kale ninkan sheegay in sanadkii soo idlaaday ee 2024 ay Ukrain lumisay dhul gaaraya ilaa 3,600 km² oo isku wareeg ah, masaafadaan oo si aad ah uga weyn midii sanadkii 2023 oo ahayd kaliya 540km.
Tan ayaa Nato iyo inta garab taagan waxay ku noqotay filan waa, waxaana hada la saadaalinayaa suuragalnimada iyo reer yurub ay markale soo kar kariyaan qorshe kan ka balaaran oo ay cududa sare ku yeelan karto xukuumada Kyev.
FAAFREEB PRO