Diyaaradaha Drones-ka Yukreyn ayaa markale duqeymo xoogan ku garaacay magaalooyin ay kamid tahay Belgorod ee dalka Ruushka iyo keydad shidaal oo gubanaya, maxaasa ka jira in qalabka difaaca cirka ruushka uu shaqada gabay.
Sida lagu soo waramayo saacadhii lasoo dhaafay diyaarad aan duuliye lahayn ee Ukrain ayaa weerar ku ekeeyey xarun kayd shidaal ah oo ku taala degmada Volokonovka ee gobolka Belgorod ee Ruushka, waxaana halkaas ka dhashay dab xoogan oo qabsaday taangiyada u waaweyn ee shidaalka, waana sida uu warfidiyeenka la wadaagay guddoomiyaha gobolkaas.
Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyey baraha kala duwan ee Internet-ka gaar ahaa barta Telegramka, ayaa muujinayey xadiga khasaaro ee soo gaaray xuruntaas, iyadoona uu soo muuqanayo dab xoogan oo camimay qeybaha ugu muhiimsan ee dhismaha.
Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Belgorod ayaa xaqiijyey in diyaaradaha Kiyev kadib markii ay geysteen dhacdadaan ay sidoo kale fuliyeen weeraro ay ku qaadeen ilaa 3 tuulo oo iyagana ku yaala isla gobolkaas, waxaana jira sida uu sheegay khasaara soo gaara dhismayaal fara badan oo ay dadi daganaayeen iyo gawaari dhowr ah, walow uusan sheegin jiritaanka dhimasho ama dhaawac.
Waxay ugu damben xukuumada Moscow ay cadeysay iney dhulka soo dhigtay ilaa 14 diyaaradood, kuwaas oo ay ku sheegeen iney yihiin kuwa ay Kiyev usoo dirtay iney howgalkan fuliyaan, balse ay usuuragali weysay iney dib ugu laabtaan halkii laga soo duulaan diray.
UMUURAHA DIBADA