Ukrain ayaa markale gudaha Ruushka ku qaaday weerar lixaad leh iyo Moscow oo ay mudooyinkan dambe isku raac raacayaan guul darooyin qaraar.
Xukuumada Kiyev ayaa habeenimadii xalay qaaday markale howgal culus oo ay u adeegsataya diyaradeheeda dagaalka ee aan duuliyaha lahayn, waxayna gantaalo ooda kaga qaaday dhismayaal ku yaala gudaha caadimada MoscoW iyo dhanka koonfur galbeed ee wadanka.
Waxaa lagu soo waramayaa in ilaa 158 diyaaradood ay Ukrain ku weerar tagaty saacadihii lasoo dhaafay, waxayna sheegtay iney beegsatay xarumo mumihiim u ah dowladda Ruushka, walow aysan bixin faahfaahin intaas ka baxsan oo lagu dhisan karo xadiga khasaaraha.
Waxaa sidoo kale la tibaaxayaa weeraradaas xoogan lalag beegsaday mid kamid ah warshadaha sifeeya gaaska dabiiciga oo ku yaala gudaha wadanakas, waxaana soo gaaray khasaare lixaad leh.
Dhanka kal kale xukuumada Moscow oo weerarkan ka hadashay ayaa sheegtay in dhulka ay soo dhigeen dhamaan diyaaradahaas dagaal, ayna ka hortageen ahdaaftii ugu waaweyneed ee a dabacsanaayeen, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Werarakan ayaa markale caalamka ku abuuray amakaag hor leh, maadaama mudooyinkan dambe Ukrain oo damic xad dhaaf ka heleysa wadamada qaar ee reer Yurub ay weeraro liaaxd leh ku qaadeyso gudaha Ruushka, waxaana la saadaalinayaa in Ruushka jilbaha dhulka loogu dhufan doono hadii ay xaaladu sidaan kusoo socoto bilaha soo aadan, hogaanka dagaalkana ay si buuxa ula wareegi doonto Ukrain.
FAAFREEB PRO