Ukraine ayaa soo bandhigtay diyaaradahooda FPV oo awood u leh qarxinta diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.
Sida uu daabacay joornaalka Forbes xukuumada Kyev ayaa ugu dambeyn awood u yeelatay burburinta diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Mosocw waliba iyadoo aanan adeegsan wax gantaal ah, talaabadaan ayaana lagu waramayaa in jahawareer ay galin doonto caalmka si gaar ahaaneed furimaha kala duwan ee la isku hor fadhiyo.
Diyaaradaha FPV ayaa awood u leh iney hawada sare ku qarxiyaan diyaaradaha Drones-ka ah ee Ruushka kuwaas oo fuliya duqeymaha iyo howlaha basaasnimada, waana sida lagu soo bandhigayo muuqaall la baahiyey saacadihii lasoo dhaafay oo si aad ah ugu faafary warbaahinta qeybeheeda kala duwan.
Waxaa dhanka kale lagu waramayaa talaabadan ayaa kamid ah waxyaabaha waayahan dambe ay yuhuuda si aad ah ugu dhawaanayaan dhanka Ukrain, oo waxaaba la leeyahay waa kuwa doonaya iney bartana qaabka loo farsameeyo diyaaradahan iyo qalab kale oo militari oo dhowr ah.
Waxaa xusid mudan in markii hore gantaal ku kacay boqolaal kun oo dollar loo adeegsan jiray si loo soo rido diyaarad bilaa duuliye ah, halka Kyev ay adeegsaneyso diyaarada FPV oo ay ku xirtay walxaha qarxa, waana waxa dhaliyey hadal-heynta xoogan.
FAAFREEB PRO