Wajalada Wall Street Journal ayaa diirada saarey qodob sheegaya Ukrain oo wajaheysa askar yari xilli dagaalka kala dhexeeya Ruushka uu hada u muuqdo mid galay waji hor leh kadib kusoo biiristii saaxada Pyoyang.
Joornaalku waxa uu xogtiisa ku cadeynayaa in Kiyev ay hada ku jirto marxalad daran oo dhanka ciidanka ah, maadaama askartii hore ay noqdeen kuwa lee’aday, kuwa xanuuno dhanka dhimirka ah oo ku yimid dartii isku dilay iyo kuwa ka firxaday jiida hore ee ay dagaaladu ka socdaan.
Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in ciidanka Ukrain ay dhanka kale hada ku adkaatay askareynta dad hor leh, bushada Ukarain-niyiinta ay noqdeen kuwa si buuxda arinkaas uga soo horjeeda, maadaama ay goob joog u ahaayeen ciidankii hore ee hada maray sadaxda wado ee aan soo xusnay midkood.
Xukuumada Kiyev ayaa hada dhanka kale ka cabsi qabta iney dhashaan kacdoono bulsho oo ku qotoma arimaha askareynta, maadaama buu wargeysku leeyahay ay shacabku u muuqdaan kuwa hada ku daalay talaabooyinkan, dagaalkana ay u arkaan mid kusii daba dheeraaday oo faraha kasii baxaya.
Ugu dambeyntii midan waxaa saameynteeda laga dareemi doonaa saaxada dagaalaka ayey leeyihiin falanqeeyaal dhowr ah, maadaama ay hada safka Ruushka soo buuxiyeen askar badan oo ka socota dhanka Kuuriyada Woqooyi, waji cusubna ay u yeeli karaan dagaalkan xurguftiisu ay soo bilaabatay sanadkii 2014 gaar ahaa bishii February, balse uu sii laba qarxay uuna gaaray heerka maanta uu marayo 24 February ee sanadkii 2022.
FAAFREEB PRO