Tan iyo xilligii ay bilaabantey Itoobiyada casriga ah laga soo bilaabo boqor Milinik, Itoobiya waxa ay siyaasaddeedu si adag ugu xirneyd kiniisadda.
Xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeyay siyaasiyiinta Itoobiya iyo kaniisaddu waxa uu ahaa mid ku saleysan sidii la isaga kaashan lahaa cadaadinta umadda muslimka ah ee Bariga Afrika. Ka dib dhimashadii ku timid Milinik waxa talada dalkaas la wareegay wiil uu awoowe u ahaa oo la odhan jirey Lij Iyasu kaas oo inantiisu dhashey(Milinik wax wiilal ah kama tegin).
Boqorkii cusbaa ee Itoobiya yeelatey maaddaama oo uu Oromo ahaa asalkiisuna Islaam ahaa waxa uu muujistey shacaa’irtii Islaamka, taas baana keentay in shirqool ay kiniisaddu ka soo maleegtay buuraleyda Itoobiya in lagaga takhalluso Iyasu, waxaana loo dhaadhiciyey xabsiga halkaas oo lagu diley.
Lij Iyasu ka dib waxa talada la wareegay ninkii ay kiniisaddu soo caleemo saartey oo ahaa Xayle Salaase. Muddo dheer oo Xayle Salaase gacan bir ah ku hayey Itoobiya isla markaana uu cadaadinayey dadka muslimiinta ah waxa isagana diley Mingistu Xayle Maryam kaas oo ka beddelay Itoobiya hannaankii hore ee boqortooyada isla markaana u jeexay jid cusub.
Inkasta oo Mingiste iyo xukuumaddiisu soo saareen go’aan oggolaanaya in dadku diinta ay qaadanayaan ay xor u yihiin haddana weli waxa jirey cadaadis sidaa darteed Kiniisaddu wali waxa ay isku raacsanaayeen xukunka cusub ee Mingiste.
Waxa se xusid mudan in wadaaddada Kiristaanka ah kuwooda ugu waaweyni ay ka soo jeedaan labada qoomiyadood ee Amxaarada iyo Tigreega kuwaas baana magaca kiniisadda ku qaadan jirey dakhli/dhaqaale aad u badan.
Haddaba markii uu yimid maamulkii TPLF wixii ka dambeeyay 1991 wali wuu jirey cadaadiskii laakiin sidii hore ee aadka u darnayd ee muslimiinta loo cadaadin jirey waxa la odhan karaa waa laga khafiifiyey.
Berigii hore waxa jirtey kiristaamayn qasab ah laakiin intii TPLF talada haysay taasi ma jirin waxa se gumaad gaar ah oo loo gaysanayey Soomaalida, gaar ahaan jidh-dilkii iyo gumaadkii Jeel Ogaadeen.
Haddaba intii uu Abiy Axmed qabtey talada Itoobiya waxa markii ugu horreysay furfuran ku yimid midnimadii wadaaddada Kiristanka Itoobiya. Dagaalkii dhacey dabayaaqadii 2020-kii waxa cambaareeyay Qayskii guddoomiyaha u ahaa ururka Kiniisadaha Itoobiya oo ka soo jeeday Tigreega.
Laakiin maaddaama oo Amxaaradu dagaalkaa qayb laxaadleh ka qaadatey waxa go’aanka wadaadka ka soo horjeestay wadaaddada Amxaarada oo qoomiyaddoodu taageero laxaadleh siisay Abiy Axmed. Taasi waxa ay noqotey arrin ugub ah oo la soo deristey Kiristanka Itoobiya.
Markale waxa go’aan la yaableh qaatey wadaaddada Oromada ee Kiristaanka ah kuwaas oo sheegay in aaney dib Ilaaha ay caabudaan ugu baryi doonin Af Amxaari taa baddelkeeda ay adeegsan doonaan Af Oromo, Ilaahooduna uu taa maqli doono.
Waxa se ka sii yaab badnaa markii wadaaddada Amxaaradu arrinkaa gaashaanka u daruureen. Rabshado ay ku dhinteen tobannaan qof ka dib waxa arrinkii soo dhexgaley Abiy Axmed oo qaboojiyey.
Haddaba shaley oo taariikhdu ahayd 25 October, 2024 waxa wadaaddada Tigreega ee mad’habta Ortodhogosku ku dhawaaqeen in ay ka baxeen ururkii Kiniisadda Itoobiya taladooduna wixii hadda ka dambeeya ay gaar u noqon doonto.
Furfurankaa ku yimid xagjirkii Ortodhogoska ahaa waxa ay guul u tahay guud ahaan muslimiinta Itoobiya gaar ahaan shucuubta dulmam ee Soomaalidu ugu horreyso.
SOMALI MEMO