Villa Somaliya iyo Puntland oo Wali ay Xurguftooda Kacsantahay.

Jul 31, 2024

Waxaa wali aad u kacsan xurgufta siyaasadeed ee ka dhax taagan maamulka isku magacaabay Puntland iyo Villa Soomaliya.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha kala duwan lagu arkayey wasiirka kooxda ridada ugu magacaabay waxbarashada murtadka lagu magacaabo Faarax Sheikh Cabdiqaadir oo ku cataabaya in maamulka Saciid Cabadullahi Dani laga keeno xal wanaagsan oo ay kuwada shaqeyn karaan.

Murtadkan ayaa fariintan Dani ugu dhiibay xildhibaano kasoo jeeda deegaanada uu ka arimo maamulka ridada ah ee Puntaland, isagoona muujiyey sida ay qaatiin uga taaganyihiin la shaqeynta Saciid Cabdullahi Dani hadii ay yihiin Villa Soomaaliya.

Faarax waxa uu tilmaamay in tiro dhowr jeer uu golaha baarlamaaanka ridada uu ka codsaday in xal loo raadiyo in Puntland ay ogolaato inay qaadato qoondada macalimiinta loogu talo galay dowlad goboleedyada balse ay ka biya diiday arinkaas.

Si kastaba ha ahaatee xiisada labada dhinac ayaa u muuqata mid sii xumaaneysa mudooyinkan dambe, waxaana marba marka ka dambeysa sii yaraanaya cilaaqaadka ay leeyihiin labada daraf.

FAAFREEB PRO