Waa Kuma Madaxweynaha Cusub ee Nasraaniga ah ee Lubnaan?.

Jan 11, 2025

Wadanka Lubnaan ayaa loo doortay madaxweyne cusub iyadoo kursiga lagu fariisiyey Jeneraal Nasraani ah oo caan ku ah dhibaateynta culimaa’udiinka muslimiinta mandiqadda shaam.

Sida saacadihii lasoo dhaafay ay nashirinayeen joornaalada waaweyn sida Al-Qudus Al-Carabiyah, waxaa dalka Lubnaan oo in muddo ah ahaa madaxweyne la’aan ugu dambeyntii loo doortay General Joseph Aoun nasraani ah.

Ninkan ayaa inta taqaana siiradiisa mugdiga ah waxay ku sheegeen inuu yahay mid si aad ah daba gala culumada islaamka, waxaana inta badan bogagiisa taariikhda ka buuxda islaam naceyb iyo dhibaateyn uu u geystay culumada mandiqada Shaam.

Sidoo kale ninkan ayaa ka hor xilkan waxa uu ahaa taliyaha ciidanka Lubnaan, isagoona xilkaas hayey in muddo ah, ilaa ugu dambeyn ay hadda baarlamaanka wadankaas kusoo fariisiyeen kursiga ugu sareeya wadanka.

Joseph Aoun ayaa taageero ka helay qaar badan oo kamid ah dowladdaha galbeedka sida faransiiska, halka dhanka kale uu si aad ugu dhowyahay Mareykanka, laguna tuhmayo in isaga uu yahay midka ninkan u fududeeyey inuu la wareego jagada dalka.

FAAFREEB PRO