Wargeyska Haaretz ee ku hadla afka yuhuuda ayaa daabacay maqaal uu ku sheegayo in maamulka Binyamin Natayaahu ay hortaalo ilaa sadex bartilmaameed oo ku yaala gudaha dalka Iran oo uu hada beegsan karo, si uu uga jawaab celiyo weerarkii gantaalada badan loo adeegsaday ee ay kala kulmeen Tehran.
Saxiifadu waxay sheegeysaa in dhamaan bartilmaameedyadaas ay yihiin kuwa u cayiman waqti xaadirkan ayna akhbaartooda ula socdaan si daqiiqad daqiiqad ah, kaliyana waxa ay sugayaan uu yahay inta ay shaashadaha caalamku uu ka dagayo khabarka dilka ee Yaxya Sinwaar, kadibna waxa uu caalamku sugaa ay tahay waxa ku dhici doona Iran, dabcan waa sida ay majaladu hadalka u dhigtee.
Midka Koowaad ee bartilmaameedyadaan Sadexda ah ayaa lagu sheegay inuu yahay xarumo ciidan oo muhiim ah, waxaana lagu soo waramayaa in maamulka yuhuuda uu si aad ah u daneynayo in markan uu burbur xoogan u geysto saldhigyada Militari ee muuqda, maadaama ay ku adkaaneyso beegsiga kuwa dhulka hoostiisa ah.
Bartilmaameedka Labaad ayaa lagu sheegay inuu yahay dhanka xarumaha muhiimka ah ee shidaalka, waana mid hada si aad ah looga cabsi qabo in yuhuuda ay talaabadaas qaadaan maadaama ay naafoobi doonaan halbowlayaal iyo dhuumo gaas oo muhiim ah.
Bartilmaameedka Sadexaad ee ay yuhuuda qorsheenayaan iney beegsadaan ayaa lagu sheegay inuu yahay xarumaha Nukliyeerka Iran, waana mida ugu casbida badan hada, sida aan horay ugu soo gudbinay barnamijkan caalamulyoumna waxaa si aad ah mudooyinkan dambe isaga soo daba dhacayey digniino aanan la dhaleysan karin oo ku wajahan Iran, walow dhanka kale xitaa Mareykanku uu isku muujinayey mid kasoo horjeeda arinkaas ay khasarta ku gadaamantahay.
Gunaanudkii waxaa xusuid mudan in warbixintan kasoo baxday wargeyskan ay kusoo beegantahay xilli xukuumada Tehran ay u muuqato mid sameysay diyaargarow xoogan, maadaama ay soo gaarayeen marba marka ka dambeysa digniino fara badan, weerar uu maamulka isugu yeera Israel uu hada ku qaado gudaha Iran ayaana lagu sifeeyey inuu noqon doono mid aanan wax mecno ah aanan soo kordhin maadaama Tehranba ay gashay diyaargarow uuna ka muuqdo feejignaan dheeri ah.
FAAFREEB PRO