Exercise ama jimicsiga waa mid kamid ah waxyaabaha rabi ayaa caafimaadka haye ee nolosheena ku haga in ay yeelato jawdal saxan iyo caafimaad jireed, waana mid inta badan ay ku taliyaan dhaqaatiirta kala duwan iyadoo aysan u eegeyn culeyska miisaanka qofka iyo hadii uu yahay qof jismiyan dhax dhaxaad ah.
Hadii Alle uu ogolaado waxaan warbixintan ku eegi doonaa qeyb kamid ah jimicsiga jirka oo kalgu tilmaamo iney tahay mid isku dheela tirta qofka caafimaadkasiisa, siisa xasilooni jismiyadeed, kana saarta jismigiisa xaalada caajiska ah, waana orodka xilliga hore ee aroorti la sameeyo.
Marka aqoonyahanada jir dhiska iyo caafimaadku ay ka hadlayaan oradka iyo fawaa’ida uu u leeyahay jasadeekana, waxay u kala qaadaan Laba qeybood oo kala ah Slow Running iyo Fast Running, oo kala ah in qofka uu rucleeyo waliba qaab ka hooseysa orodka xawaaraha sare ah iyo mida Labaad oo ah in qofka uu sameeyo orad xowli ah.
Hadaba dhaqaatiirtu waa kuwa ka digaya ordka xowliga ah ee aanan ku dhisneyn hadafka sababayana in ruuxa uu ku daalo qaab degdeg ah, waxaaana uu ruuxaas Qatar ugu jiraa sida ay ku waramayaan qolooyinka caafimaadka in ay jilcaan qaar kamid ah murqaha wadnaha.
Taas cagsideeg waxaa lagu waramayaa in orodka rucleynta ah uu leeyahay faa’idooyin aanan marnaba la qiyaasi karin, sida inuu xoojiyo awooda murqaha wadnaha, yareeyo Laba nuuc oo kamid ah xanuunka sokorta iyo inuu yahay mid si guud u taageera habdhiska difaaca jirka.
Dan Gordon oo ah borofisar ku-xigeenka cilmiga jimicsiga ee Jaamacadda Anglia Ruskin ee dalka Ingiriiska, ayaa sidoo kale xaqiijinaya in sanadihii u dambeeyey ay ogaadeen in rucleyntu ay tahay jimicsiga ugu sahlan uguna faa’idada badan.
Waxa uu ninkan sidoo kale sheegayaa in dadka sameeya orodka xawaaraha hoose ah ay yihiin kuwa daa’ima kara arinkan, maadaama rucleyntu ay tahay mid aan sidaa loogu daalin hadana laga helo faa’idooyin tira beel ah waa sida uu hadalka u dhigee.
Sida ay tibaaxeyso majalada Daily Mail oo ah mida qalinka u qaadatay warbixinta, waxyaabaha kale ee qofka daa’ima oradka rucleynta uu helayo waxaa kamid ah in awood uu u yeesho inuu xilliga dabaasha jari karo masaafo fog waliba isagoo aanan wax daal ah ka dareemin xubnaha dambe ee jirkiisa sida lugaha.
Jariiradu waxay sidoo kale sheegeysaa in Rucleyntu ay tahay mid kordhisa wax soo saarka unugyada cas cas, taas oo macnaheedu yahay in dhiiggu uu qaadi karo ogsijiin badan qofkana uu Allah idankii dareemi doono caafimaad iyo nafis jirkeed oo kaalim ah.
‘Haddii aan fadhino aad baan ugu nugulnahay jirooyinka, laakiin haddii aan samayno jimicsi dhexdhexaad ah waxaan horumarineynaa difaaca jirkeena, waxaana si wanaagsan u yaraanaya u nuglaanshahayaga xanuunada kala duwan” waxaa sidaas yiri Profasoor Dan Gordon.
Dhanka kale waxa uu ninkan cadeynayaa in hadii qofka uu sameeyo orod xawaara ah maalin walba waliba ay jirkiisa ku qaadaneyso saacado badan siu u uga soo kabto xanuunada kale duwan ee uu ka dareemayo murqaha jirka, balse orodka hoose uu yahay mid lamid ha socodka oo aanan lagu dareemin wax dhibaato ah.
Wadnaha oo si tartiib ah u shaqeeya, Cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca, Nidaamka difaaca jirka oo xoogeysta, Stress-ka ama isku buuqa oo yaraada, Neefta oo hagaagta hadii aad tahay qof ku dhiban arinkaas, hurdo wanaagsan iyo murqaha oo xoogeysta intuba waxaa lagu waramyaa in qofka uu kalheli karo joogteyn u uku sameeyo orodka gaabiska ah ama rucleynta.
DHAGEYSO WARBIXINTA 🎧