Wargeyska Financial Times ayaa daabacay warbixin taasoo diirada saareysa hadal kasoo yeeray saraakiil sar sare oo Ameerikaan ah oo hada gacanta ku haya malafka dagaalada Ukrain iyo Bariga Dhexe, kuwaasoo diirada saaraya qorshaha kasoo muuqda dhanka Trump ee ku aadan dagaaladan hadii markale uu kusoo rogaal celiyo kursiga Aqalka cad.
Waxay masuuliyiintan sheegayaan in Donald Trump uu leeyahay qorshe adag oo heer caalami ah hadii markale uu hanto hogaanka Mareykanka, si usoo afmeero colaadaha hada holcaya oo uuba hiray u sheegay ineysan waqti fog ku qaadan doonin soo gaba-gabeyntooda haduu soo laabto.
Lataliyaal sar sare oo Ameerikaan ah ayaa dhanka kale tibaaxaya in Trump hadii 5 Novembar uu markale noqdo madaxa Mareykanka uu la imaan doono siyaasad cusub oo jahawareerin ah, taasoo dili doonta cid kasta oo uu doonayo, iskana sii deyn doonta cid walbi oo uu Trump ka dhax arko maslaxadiisa iyo tan Mareykanka.
Dhanka kale joornaalku waxa uu soo xiganayaa Bill Hagerty oo xilligii Trump soo noqday safiirka Mareykanka ee Japan, waxa uu ninkan sheegayaa in musharaxa jamhuuriyiinta uu dhanka kale kadib soo laabashadiisa uu doonayo in wax ka badal balaaran uu ku sameeyo xiriirka gacansi ee Shiinaha, isagoona tibaaxay suuragalnimada in gabi ahaanba ay dhinacyadu kala dhaqaaqaan.
Si guud su’aasha ugu badan ee hada la is weydiinayo ka hor guusha Trump ayaa ah sidee ayey noqon doonaan loolanada ka socda Ukrain iyo kan dhulka loo bixiyey bariga dhexe, warbixinta Financial Times waxay sidan uga mid noqoneysaa mid kamid ah saadaasha ay bixinayaan saraakiisha iyo khubarada siyaasadeed ee Maeerikaanka ah.
FAAFREEB PRO