Wadahadallo looga gorgortamayo qaadashada Badda Soomaaliya islamarkaana ay dalaal ka tahay Dowlada Turkiga ayaa maalinkii labaad kasocda magaalada Ankara, halkaas oo ay Kooxda Ridada ku dhaxal wareejinayso xeebaha dalkan, si loo rumeeyo riyo qarniyo badan ay ku taamayaan malaayin Itoobiyaan ah.
Sida ay ku waramayso wakaalada Wararka ee Anaadol kulamo xiriir ah oo gaaray xalay ilaa saq dhexe islamarkaana maanta dib loogu laabtay, ayeey sadaxda dhinac kaga niqaasheen wadiiqada ugu dhow ee xabashida ay kuheli karaan bad si ay uga baxaan go’doonka juquraafiyadeed.
Macluumaadyada laga soo dusiyay miisaska makriga iyo sharta ee Ankara, ayaa sheegaya in Itoobiya ay ku atkaysanayso in loo saxiixo heshiis horleh oo ay la gasho Kooxda Ridada ,iyada oo ka laaban midkii ay la gashay maamulkaa ridada Soomaliland.
Taa badalakeeda Kooxda Ridada ayaa doonaysa in ay xabashidu ka laabtaan isfahmkii ay la gareen Muusa Biixi horantii sanadkan, taa badalkeedana xeebaha badwaynta Hindiya laga siiyo saldhigyo ciidan iyo dekado.
Turkiga ayaa ah midka maslaxda ugu weyn ay ugu jirto qorshahaan , maadaama uu horay ula soo wareegay xeebaha Soomaaliya ayuu hadana doonayaa in qeyb kamid ah siiyo Itoobiya, isagoo ka saxiixaya dabadhilifyo ka xuubsiibtay diin iyo dadnimo.
siyaasiyiin katirsan ridada ayaa durba qayla dhana ka muujiyay wax kasocda Ankara, iyagoo si dadban iyo cad usheegay in xukumada Gurguurte ay doonayso in ay Badda Soonaaliya usaxiixdo xabashida, sidaba ay horay barriga ugu gacan galisay ciidanka nasaarada itoobiya.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa markale fahmay xaqiiqada nidaamkaan fadhigiisu yahay Mogdisho, kaas oo gaaladu u adegsato gumaynta iyo xaraashka hantida dalkaan, oo ka dhigay wax ay ugacan galiyaan cadawga iyo kuwa ay iyagu boobaan
FAAFREEB PRO