Dowladda saliibiyada Maraykana ee uu madaxweynaha ka yahay Joow Baayden ayaa wadaxaajood kula jira Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan si la iskugu badasho muwaadiniin Ameerikaan ah oo ku jira gacanta Imaarada iyo maxbuus caan ah oo lagu hayo xabsiga sumcad xumada ku caan baxay ee Guantanamo Bay, kaas oo lagu eedeeyay inuu xiriir dhaw la lahaa amiirkii hore ee Tandiimu Qaacidatil Jihaad, Sheikh Osama bin Laadin, sida lagu qoray joornaalka Wall Street Journal.
Maamulka Biden ayaa raadinaya in lasoo siidaayo saddex kamid ah muwaadiniintooda oo kala ah Raayan korbet, Joorje Galeesmaan, iyo Maxamuud xabiibi oo la sheegay in lagu xiray dalka afghanistan sanadkii 2022 – iyada oo lagu beddelayo Muhammad Raxiim al-Afghani, sida uu ku warramay Wall Street Journal.
Warbaahinta reuters ayaa sheegtay in Ilo xog ogaal ah oo arrintan xiriir laleh ay u xaqiijiyeen in maamulka Biden uu wadahadallo la lahaa Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan tan iyo ugu yaraan bishii Luulyo ee la soo dhaafay, isagoo soo bandhigay qorshe lagu beddelayo Raayan korbet, Joorje Galeesmaan, iyo Maxamuud Xabiibi si loo sii daayo Rahim.
Wakiillada Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaan wali ka jawaabin codsiyada ku sabsan inay ka warbixiyaan xogaha ay baahisay reuters.. Sidoo kale, wakiillada imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaan weli ka jawaabin codsi ay u dirtay wakaalada reuters.
Sadexda maxaabiis ee sida la sheegayo ku xiran dalka afghanistan ayaa la sheegaya in lagu qabtay laba dhacdo oo kala gaar ahaa oo kala dhacay bishii Agoosto 2022, sanad kadib markii imaarada islaamiga ah Taliban ay qabsadeen Kabul iyagoo qaarkood la sheegay in dalkaas ay u joogeen dalxiis ahaan.
Muhammad Raxiim al-Afghani ayaa isagana la xiray sanadkii 2007, waxaana lagu qabtay dalka Pakistan oo uu ku sugnaa xilligaas. Kadib xarigiisa, waxaa loo gudbiyay xabsiga Guantanamo Bay ee Cuba bishii Agoosto 2008, halkaas oo ilaa hadda lagu hayo isagoo aan maxkamad la soo taagin. Waxaa lagu eedeeyay inuu xiriir dhow la lahaa amiirkii hore ee Al-qaacida sheikh Osama bin Laden Allaah haka aqbalo shahaadadiisa, iyo inuu kaalin ka qaatay hawlgallada mujaahidiinta al-Qaacida ay ka fuliyeen dalka Maraykanaka 2001kii, laakiin waxaa xusid mudan in aysan jirin wax dacwad rasmi ah oo lagu soo oogay.
Afhayeen u hadlay waxa loogu yeero Golaha Amniga Qaranka dalka maraykanka ayaa sheegay in aysan xaqiijin karin warbixinada ku saabsan maxabiis is waydaarsigaan, balse wuxuu intaas ku daray in maamulka biden uu “ka shaqeynayo saacad walba” sidii loo sii deyn lahaa saddexda muwaadin ee Mareykanka ah.