Wadamada Reer Yurub oo Maleegaya Qorshe ay Dagaal Kula Gali Karaan Ruushka.

Dec 11, 2024

Filashada laga qabo qarxida dagaalka Sadaxaad ee dunida iyo wadmo badan oo reer yurub oo ka shaqeynaya NATO gadaasheeda.

Khubarada Milliteriga oo ay soo xiganeyso Majaladda Newsweek ee Maraykanka ka soo baxda ayaa ka hadlay Aragtidooda ku aadan suuragalnimada inuu qarxo Dagaalladda Saddexaad ee Adduunka, in dalalka reer yurub badanaa ay maanta noqdeen kuwa ka shaqeynaya NATO gashaadeeda waliba iyagoo qeyb ka ah gaashaan buurta, abuurayana xiisado hor leh oo soo dadajin kara dagaalka.

Jariiradu waxay tibaaxeysaa in wadamada yurub kuwa ugu tunka weyn ay hada qaab qarsoodi ah u bilaabeen iney dhidibada u taagaan ururo ka shaqeynaya sidii dagaal lagu riikhmo ay ula gali lahaayeen Ruushka, midaasina ay tahay arimaha dhaliyey cabsiga laga qabo inuu soo degdego dagaalka Sadaxaad ee dunida, waa sida majaladu ay hadalka u dhigtee.

Hadii wadamada reer yurub ay sugi waayaan awaamirta kana dambeyn waayaan NATO waliba iyagoo qeyb ka ah ayey warbixintu sheegeysaa in dhahaga faraha la gashan doono wixii dhaca, markaasina lasoo dha dhamin doono xaqiiqada waxa uu yahay dagaalka Sadaxaad ee dunida.

FAAFREEB PRO