Maalinkii labaad waxaa xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada caasimada ah ee Mogdisho, kuwaas oo loo xiray mas’uuliyiin Turki ah.
Wadada Makka Al-Mukaramah iyo sidookale wadooyinka halbowlaha ah ee ku yalla dagmooyinka Xamar Jajab iyo Xamarwayne, ayeey gabi ahaanba xireen maleeshiyaatka murtadiinta ah.
Gaadiidka ayaa loo diiday isticmalakooda, wxaana la arkayay dadka shacabka ah oo lugahooda maalaya si gaar ah ardayda.
Sababta ugu weyn ee Kooxda Ridada ay uxirtay wadooyinkaasi muhiimka ah ayaa ah in wasiiro katirsan dowlada ridada Turkiga ay ku suganyihiin Mogdisho.
Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa dhaqan iyo caado ka dhigatay in ay markasta xirato wadooyinka halbowlaha u ah caasimada, waxaana markii ay dalka yimaadaan mas’uuliyiin gaalo ah markasta sidaan loo kadeedaa dadka shacabka ah.