Wafdi Turki Ah oo Gaaray Addis Ababa Si ay Xabashida Ugu Gacan Galiyaan Badda Soomaaliya.

Feb 8, 2025

Dawladda riddada Turkiga ayaa wefti heerkiisu sarreeyo u dirtay dawladda saliibiyada Xabashida Itoobiya si loo dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiiskii xaaraanta ahaa ee loogu magac-daray Baaqii Ankara ee Xasan Gurguurte uu Itoobiya ugu saxeexay qaadashada qaybo ka mida Badda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Saliibiyada ee Xabashida Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday in weftigan ka socday Turkigu uu khamiistii soo gaaray dalka isla markaana uu la kulmay soona dhaweeyey Gedion Timotheos oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Weftigan oo uu hoggaaminayay Burhaanudiin Duran oo ah Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee dawladda riddada ee Turkiga, ayaa wada-hadal ay la yeesheen wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya waxay ku lafa-gureen habka ugu fudud ee Itoobiya ugu suurtoobi lahayd qaadashada Badda Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya uu muujiyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in si buuxda loo dhaqan-geliyo damacooda ku aaddan qaadashada Badda Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyay dawladda riddada Turkiga doorka ay ka qaadatay fududeynta heshiiskaasi xaaraanta ah.

Baaqa Ankara, oo saddex-geesood ay ku ahaayeen Madaxweynaha Turkiga Murtad Recep Tayyip Erdoğan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Gaal Abiy Axmed, iyo Madaxa riddada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 11/12/2024, ay si buuxda wada-jir qalinka ugu duuggeen in Itoobiya ay marin-badeed la hubo ka hesho xeebaha Soomaaliya, gees-na la isaga leexiyo arrimaha la isku hayo.

Sidoo kale Murtad Gurguurte ayaa isagoo sii amba-qaadaya siina xoojinaya hir-gelinta heshiiskaasi xaaraanta ah waxa uu 11-kii Jannaayo 2025, socdaal ku tagay Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu bah-dilay kadib markii uu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Badda Itoobiya oo Abiy Axmed ugu diyaariyey garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa.

Heshiiskan loola baxay Baaqa Ankara ayaa daba-socda odhaahdii Abi Axmed ee “xoog ama xeelad” iyo MOU-gii maamulka ridda ee la baxay Somaliland iyo Itoobiya ay wada galeen sanadkii hore bilawgiisii, kaas oo Muus Biixi ku saxiixay bixinta qaybo ka mida Badda iyo Barriga Soomaaliya, si dal madax-bannaan loogu aqoonsado maamulkiisa, loona kala jaro dalka Soomaaliya.