Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray dagaallo lagu jabiyay murtadiinta oo maanta ka dhacay duleedka dagmada Ceeldheer.
HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA.
“Murtadiinta oo Lagu Jebiyay Weerar Ka Dhacay Ceeldheer’”
Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Arbaco ah weerar qorsheysan ku beegsadeen ciidamo murtadiin ah oo dhaqdhaqaaq cadawtooyo ka waday deegaanno dhaca bariga wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Geerille ee hoostaga degmada Ceeldheer halkaas oo ay cadawga murtadiinta ah ku dhibaataynayeen dadka Muslimiinta ah iyagoo madaafiic ku garaacayay dhulka daaqa ah ee ay xoola dhaqatadu ku nooshahay. Dagaal xooggan kadib, Allaah ayaa jebiyay cadawgii murtadiinta ahaa, waxayna dib ugu firxadeen goobihii ay markii hore ka soo duuleen. Waxaa inta aan xaqiijinay dagaalka lagu dilay 17 murtad kuwaas oo 12 kamid ah ay cadawgu uga carareen goobta dagaalka, halka dhaawacu uu gaarayo 21 askari. Khasaaraha cadawgu intaas wuu ka badan karaa iyadoo xogtu ay weli tahay mid hordhac ah. Mujaahidiinta ayaa sidoo kale – Allaah fadligiis – dagaalka kusoo ghaniimeystay hub iyo rasaas ay cadawgu ka carareen.
Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgallo xiriir ah oo ay maalmihii lasoo dhaafay Mujaahidiintu ka fulinayeen deegaanada dhaca bariga wilaayada Galgaduud halkaas oo ay ciidamo Saliibiyiin ah iyo murtadiin dabadhilif u ah ka wadeen colaado ashahaado la dirirnimo ah oo looga soo horjeedo ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Allaah ayey mahad oo idil u sugnaatay guuleeyey adoomadiisa Mujaahidiinta, jab iyo guuldarana dhaxalsiiyey cadowga Islaamka iyo Muslimiinta. Waxaan bogaadinaynaa geesiyada Islaamka iyo halyeeyada Mujaahidiinta ah ee difaacaya Diinta Allaah iyo wilaayaatka Islaamiga, kuwaas oo uu Allaah gacmahooda ku cadaabay cadaw Islaamka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah, illaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso. Allaah wuxuu yiri