Warbixi-Ukrain oo Reer Yurub ka Heleysa Hub Qadiimi ah oo Lasoo Saaray Qarni ka hor.

Nov 7, 2024

Joornaalka Izvestia ee ka soo baxa Ruushka ayaa daabacay warbixin cadeymo wadata oo uu ku sheegayo in Ukrain ay reer Yurub ka heshay hub duugoobay oo howgab qarka u saaran.

Saxaiifadu waxay ugu horeyn xogteeda ku sheegeysaa in Kiyev ay xulafadeeda reer yurub iyo NATO ay ka heshay hub fara badan, balse hubkaas uu noqday mid qadiimi ah oo aanan waqti xaadirkan furimaha dagaalka waxba ka galin, kaliyana ku haboon in la dhigo goobaha matxafyada ah, dabcan waa sida hadalka loo dhigee.

Waxaa tusaale loo soo qaadanayaa dalka Slovenia ilaa 30 taangiyada M-55S ugu deeqay Ukrain, taangiyadan ayaana lasoo saaray sida lagu sheegayo baaritaankan intii u dhexeysay sanadihii 1960-kii ilaa 1970-kii, walow sanado dambe lagu sameeyey dib u habeen balse wali waa qadiimi ayaa lagu yiri waqrbixinta.

Tuusalaha xiga ee uu soo qaadanayo joornaalkan ayaa ah balan qaad ay sameysay dowladda Croatia oo ah in 30 taangiyada M84 ay ugu deeqeyso dhigeeda Ukrain si ay ugu kaalmeysato dagaalka ay kula jirto Ruushka, waxaana lagu waramayaa in taangiyadan ay yihiin kuwa qadiimi ah oo lasoo saaray intii u dhexeysay sanadihii 1983 iyo 1991, wixii intaas ka dambeeyeyna ay ku yaraadeen kasoo muuqashadooda fagaarooyinka dagaalka.

Marka laga soo tagto taangiyada qadiimiga ah ee Kiyev ka heshay dhanka reer Yurub, waxaa dhinaca kale lagu waramayaa in xitaa qalba difaaca hawada ee Hawk ee ay Ukrain ka hesho wadamada Mareykanka iyo Spain inuu yahay mid la isticmaali jiray bartamihii siddeetameeyadii ee qarnigii la soo dhaafay.

“Sidaa darteed qalabkan difaaca hawada waxaa lagu xisaabiyaa kuwii ugu horeeyey ee dunida soo mara, waqti xaadirkana waxba kuma soo kordhinkaro furimahan dagaalka ee casriga ah, mana awoodo ka horgata diyaaradahan casriga ah ee Drons-ka, mana xakameyn karo gantaalada laga soo tuuro marakiibta” ayaa lagu yiri qoraalka warbixinta.

Marka laga soo tago taangiyadan dagaal iyo qalbkan difaaca hawada ee qadiimiga ah ee loogu deeqay Kiyev, majiraan agab militari oo kale oo uu xusay wargeyska oo isgana qadiimi ah misana loogu deeqay Ukrain?

Wey jiraan oo waxaa kamid ah sida warbixintu ay leedahay, Gawaarida gaashaaman ee Mareykanka oo lasoo saaray wax kabadan Tobanaan sano ka hor, sidoo kale marakiibta ciidan oo iyagana lasoo saaray sanadii 1960-kii, waxaa sidoo kale meesha aanan ka mareyn oo qadiimi ah misana Kiyev gacanta loo galiyey booyadaha biyaha oo iygana Ganaretion hore ah.

Gunaanudkii waxay si guud warbixintan muujineysaa in Ukrain xulafadeeda ay ugu deeqeen hub iyo qalab millitari oo fara badan, balse uu qadiimi yahay, waana mid kamid ah asbaabaha ay libinta sare u heli la’adahay ayey leeyihiin qaar badan oo kamid ah siyaasiyiinta u dhoondaloola xiisadaha ka dhax oloolsan xukuumada Kiyev iyo Moscow.

FAAFREEB PRO