Warbixin-Boobka Shidaalka Soomaaliya iyo Dhagaraha Murtadiintu ay Maleegayaan.

Sep 17, 2024

Tan iyo markii murtad Xasan Sheikh Maxaamuud uu kusoo rogaal celiyey kursiga Villa Soomaaliya, wuxuu saxiixay islamrkaana uu soo galay heshiisyo fara badan oo uu cadawga ugu wareejinayo hantida dadka Soomaaliyeed iyo madax banaanidiisa dalkan muslimka ah.

Heshiisyada ugu badan waxaa saxiixay waxa loogu yeero wasaarada Batroolka iyo Macdanta, taas oo dowlado ay ugu horeeyaan Qadar iyo Turkiga la gashay heshiisyo lagu qodayo shidaalka kujira Soomaaliya, laguna soo saarayo naftada iyo gaaska dhax ceegaaga badda yo barigga wadankan.

Mid kamid ah heshiisyadaas oo dhawaan soo shaac baxay waxaa lalagalay shirkad laga leeyahay dalka Qadar, taas oo ka shaqaysa arimaha bataroolka, waxaana heshiiskaan oo ah mid sadax gesood ah saxiixay kooxda rida ee fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Shirkada Al-Khaliij Batrool oo ay leedahay xukumada Dooxa, ayaa ruqsad loo siiyay in ay soo saarto gaaska iyo naftada ku jira sadax ceel oo ku yalla gobolada Soomaaliya, balse arinta layaabka leh ayaa ah in heshiiska ay qeyb ka tahay shirkad lagu magacaabo GulfSom, oo qeyb ka helaysa faa’iidada laga helo ceelashaasi.

Shirkadan ayaa sida ay xoguhu tibaaxayaan waxaa milkiyadeeda leh siyaasyiin katirsan kooxda Ridada Soomaaliya, oo uu horboodayo murtad Gurguurte iyo sidookale ganacsato dhiig miirata ah, waxaana madax looga dhigay nin lagu magacaabo ABDULLAHI AWDINI oo mar ay xabsiga u taxaabtay dowlada Imaaraatka Carabta.

Cabdi Casiis Al-Diilmi oo ah madaxa shirkada Khaliij Batrool ee Qadar, oo waraysi siiyay talafashinka rasmiga ah ee xukumda Dooxa ayaa sheegay, in heshiiska uu yahay mid sadax geesood ah ayna qeyb ka tahay shirkada GulfSom oo matalaysa dowr maalgashi, sidaasna ay Qadar, GulfSom iyo Kooxda Ridada ku qeybsanayaan lacagta laga helo batroolka laga soo saarayo sadaxda ceel eek u yaala gudaha Soomaaliya.

Heshiiskaan waxaa todobadkii hore shaaciyay murtad Cabdi Risaaq Cumar Maxamad oo ah wasiirka Batroolka iyo Macdanta Kooxda Ridada Soomaaliya, ceelasha laga soo saarayo shidaalkan ayaana la sheegay inuu kamid yahay mid loo Yaqaano HolHol oo ku yalla gobolka Sool.

Waa mid ay horay isugu heysan jireen maamulada Puntland iyo Soomaalilnad, balse goobta uu ku yaallo waxaa manta ka taliya maamulka isugu yeeray SSC khaatumo.

Murtad Karaash oo horay usoo noqday madaxwayne ku xigeenka maamulka ridada Garrowe, kana soo jeeda deegaanada gobolkaan ayaa gaashaanka udaruuray heshiis ay Kooxda Gurguurte la gashay shirkadan laga lee yahay dalka Qadar si loo qodo ceelkaasi.

Karaash ayaa war uu soo saaray waxa u uku yiri “Waxaan dhegeystay hadal uu jeediyey Wasiirka Batroolka XFS oo uu ku sheegay, inay saxeexeen xirmooyin Shidaal oo uu ka mid yahay Ceelka Shiidaalka ee Holhol, hadaba waxaan la wadaagaynaa shirkadaha Caalamiga ah inaan wakhti kaga lumin Ceelka Holhol iyo khayraadka kale ee deegaanadaasba, mana jirta cid awood u leh inay heshiis ku soo gasho, iyadoon loo marin dariiq saxa oo heshiis lagu wada yahay” waa nuqul kamid ah hadal kasoo yeeray murtad Karaash.

Balse saacdo kama soo wareegan hadalkaas waxaa soo jawaabtay kooxda ridada Soomaaliya, murtad Cabdi Qaadir Firdhiye oo ah hogaamiyaha maamulka isugu yeeray SSC Khaatumo ayaana sheegay in kooxda Gurguurte ay xaq uleedahay in ay bixiso ceelkaasi cidii ay doontana ay usaxiixi karto.

Ceelka Holhol oo kaliya ma ahan ceelasha shidaal ee loo saxiixay in Qadar qodo, waxaa sidookale kamid ah kuwa dhaca duleedka Mogdisho waana sida ay sheegayaan xogaha qaar.

Xukumada ay shisheeyuhu tabantaabiyaan ayaa heshiisyo kuwaan lamid ah waxay la gashay shirikaad laga leeyahay dalka Turkiga, kuwaas hada badankood usoo bira tumanaya fulinta mashraacidii qalinka loogu duugay, iyagona maalmaha soo socda kusoo wajahan xeebaha Soomaaliya, si ay udaabushan  hantida umadan ee barqada cad baylahda looga dhigay.

FAAFREEB PRO