Warbixin-Khilaafka Kooxda Ridada Hareeyey Muddoyinkaan Dambe.

Nov 4, 2024

Siyaasiyiin Katirsan Ridada oo sheegay in murtad Gurguurte uu Kooxda Ridada ku sii hogaaminayo wado Mugdi ah, xili xaalad hubanti la’aan ah uu wajahayo masiirka Ridada, waxayna warbixintan diirada saaraysaa ismawariwaaga siyaasadeed ee ka dhaxjira murtadiinta.

Labadii bishii Actobar ee lasoo dhaafay xarunta madaxtooyada Kooxda Ridada Soomaaliya ee magaalada Mogdisho, waxaa ka furmay shir udhaxeeyay madaxda ridada iyo kuwa maamul goboleedyada oo uu ka maqanyahay murtad Siciid Dani hogaamiyaha maamulka isugu yeeray Puntland.

Shirka oo in uu qabsoomo qaadatay mudo bilo ah, shaqsiyaadka ka qeyb galayna ay ka caga jiidayeen, ayaa lagu doonayay in looga arinsado ajande uu wato murtad Xasan Gurguurte, taas oo taabanaysa wax ka badalka doorashooyin gaaleedka ridada iyo in uu jeexdo dariiqii uu markale dib ugu soo laban lahaa Villa Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada ridada ayuu usameeyay balanqaad ah in uu siinayo mudo kordhin hal sano ah, taa badalkeedana la qabanayo waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod ah.

Hogaamiyaha maamulka ridada Jubbaland Axmad Madoobe ayaa noqday shaqsigii ugu horeeyay ee mucaaraday qorshahaasi, waxuuna isaga tagay Mogdisho isagoo dib ugu laabtay magaalada Kismaanyo.

Murtad Xasan Gurguurte ayaa dadaal dheeraad ah ugalay sidii uu shirka ugu soo celin lahaa Axmad Madoobe, wuxuuna udiray saraakiil katirsan Qaramada Midoobe iyo sidookale madaxwaynaha dowlada Kenya Wilyam Ruto, Gurguurte ayaana ku hungoobay dhamaan iskudayadiisa.

30-kii bishii Octobar ayaa warqad labo bog ah oo laga soo saaray xafiiska ugu sareeya Kooxda Ridada waxaa lagu sheegay in ay Gurguurte iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada ay isku waafaqeen in la qabto waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod ah mudo kordhina loo sameeyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada ridada

Siyaasyiinta mucaaradka ridada oo ahaa saaxiibadii shalay ee Xasan Murtad ayaa mawqif adag ka istaagay wadada uu Gurguurte ku hogaaminayo Kooxda Ridada iyagi ku edeeyay in uu fiirsanayo dano shaqsi ah uuna sii kala gaynayo Kooxdaasi.

Murtad Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, madaxwaynihii hore ee Kooxda Ridada Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo soo noqday raz’ul wazaaraha ridada , Murtad Shariif Sheekh Axmad iyo Cabdi Raxmaan Cabdi Shakiir, ayaa qiray in Gurguurte uu kusoo wado wado mugdi ah, absle aysan aqbali doonin wixii isagaba diiday sanadii 2022.

Murtad Shariif Sheekh Axamad, oo warbaahinta la hadlay saacadihii lasoo dhaafay ayaa sheegay in aysan suurtagal ah sheegashada Gurguurte oo ah in Kooxda Ridada uu galinayo doorasho iyo qof cod ah, uusana xaafad kamid ah Mogdisho dhigi karin sanduuq lagu coodeeyo.

Khudbad uu maalinimadii daraad uu ka jeediyay xarunta golaha dawaaqida riada ayuu siyaasyiinta kasoo horjeedo ku tilmaamay Gurguurte kuwa danley ah oo aysan uhakin doonin, balse xildhibaanada ridada qaarkood ayaa sheegay in uu hub uruursi uu kasocda magaalada caasimada ah kuwaas oo ay wadaan siyaasyiinta mucaaradka.

Khilaafkaan iyo isqabqabsigaan ka dhax taagan Kooxda Ridada, wuxuu imaanaya iyada oo xaalad hubanti la’aan ah uu ku jiro nidaamka ridada Soomaaliya,waqti uu soo dhaawaday bixitaanka ciidamada Kufaarta Afrikaanta , dowladaha saliibiyiintana ay ka caga jiidiyaan bixitaanka qarashka ku baxaya murtazaqada Soomaaliya.

FAAFREEB PRO