[WARBIXIN] Wajiga Trump uu Doonayo Inuu ku Wajaho Afrika iyo Loolanka Dhaqaale.

Jan 21, 2025

Warbixin uu daabacay wariyey u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Martin Plaut una dhoon daloola arimaha bariga Afrika kana soo shaqeeyey macaahid dhowr ah oo ku howlan arimaha qaaradan iyo sida Mareykanka uu saameyn xoogan ugu lahaa waayihii dambe ayaa muujineysa sida maamulka cusub ee Trump u doonayo uu u yareeyo saameyntii caskari ee uu ku lahaa mandiqa isagoo taa badalkeed u weecanaya dhanka dhaqaalaha doonayana inuu loolan xoogan la galo wadamo badan oo dhaca Asia.

Waxaa ugu horeyntii warbixinta lagu bilaabayaa in taliska Mareykanka Afrika ee Africom uu doonayo inuu yareeyo joogitaankiisa Afrika, isagoona Donald Trump markan si aad ah u daneynaya inuu tartan la galo wadamada Ruushka iyo Shiinaha oo dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba waayahan isku fidinaya qeybo balaaran oo kamid ah qaaradan.

Sida warbxiintu ay tibaaxeyso Trump la-taliyeyaashiisa midig ayaa doonaya inay beddelaan siyaasadda amniga ee Maraykanka uu ku wajahayo iyo inay hirgeliyaan kuwa cusub oo ku saabsan tartanka Shiinaha iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee wadamada Afrika si Meesha uu uga saaro saameynta dalalkan loolanka uu kala dhexeeyo xukuumada Washington, waa sida hadalka loo dhigee.

Waxaa uu wariyahan qoraalkiisa ku sheegayaa in Mareykanka uu doonayo in mudnaantiisa Afrika markan uu ka dhigo sidii uu u xayuubsan lahaa kheyraadka ugu muhiimsan Afrika, dhuuntana uu uga qaban lahaa Shiinaha oo hadda hela macdanta ugu badan ee Afrika una dhoofiya dalalka ugu waaweyn caalamka ee dhaca qaarada Yurub.

Kheyraadka dowladda cusub ee Trump ay dooneyso iney ka qaadato Afrika sanadaha soo aadan waxaa ka mid ah sida uranium, saliid iyo gaaska dabiiciga ah, coltan, lithium, iyo macdanta kale ee loo isticmaalo soolarka.

Xukuumada Washington ayaa diiradeeda ugu weyn saari doonta dalalka dhaca bartamaha Afrika, halkaas oo ay cadaadis ku saari doonaan dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo si loo yareeyo hawlaha macdanta ee Shiinaha ee halkaas, isla markaana loo kordhiyo iskaashiga amniga ee Rwanda iyo Uganda oo ah wadamo ay dhax ceegaagaan khayraadka badan laakiin colaado ay hareeyeen.

Marka laga soo tago bartamaha Afrika iyo sida Mareykanku uu markan u doonayo inuu usoo celiyo wujuudkiisa, waxaa lagu waramayaa in dhanka Koofur Afrika sidoo kale uu maamulka Trump doonayo inuu faraha galiyo halkaas oo sida aan ognahay muddo xileedkii Joe Biden ay ku lixaadsadeen awoodaha Shiinaha, Iran iyo Ruushka.

Waxay warbixintu tilmaameysaa in nidaamka cusub ee Donald Trump uu doonayo in Koonfur Afrika uu markan la galo heshiisyo dhowr ah oo la xiriira kheyraadka dabiiciga ah, walow dhanka kale dhiancyadu ay ka dhexeyso xurguf ku tacaliqda in dowladda Koonfur Afrika ay kiis ka dhan ah yuhuuda ay geysay maxkamada waxa loogu yeero dambiyada caalamiga ah ICC.

Hadaba hadii aan ogaanay loolanka dhaqaale ee uu doonayo in Mareykanka uu la galo dalalka cadawgiisa uu u arko ee Shiinaha iyo Ruushka waxaa dhanka kale danihiisa ku horgudban wax yaabo uu ku tilmaamay khataro argigixiso taas oo warbixintu ay sheegtay in Mareykanku ay muhiim ku tahay inuu la tacaalo.

Mujaahidiinta saaxlilka Afrika ayey warbxiintu sheegeysaa iney yihiin kuwa had aiyo jeer ku hor gudban masaalixda cadawga, xukuumada cusub ee uu Trump hogaamin doono Afarta sano ee soo aadana la doonayo iney wajahdo dharbaaxooyinka cusulus ee mujaahidiintaas hadiiba uu damac kaga jiro dhulka galbeedka saaxilka Afrika.

Waxa uu Mareykanku mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin u arkaa khatarta ugu weyn ee ka imanaysa jihadaas isla markaana ku wajahan ganacsiyadooda, shaqaalaha Ameerikaanka ah, danaha dowladda Mareykanka iyo danaha amniga qaranka Maraykanka, waa sida hadalka loo dhigee.

Marka laga hadlayo bariga Afrika, Mareykanka ayaa xarakadaha Mujaahidiinta Al-Shabaab u arka awood halis ku ah danodooda guracan oo dhan, sidaa darteed maamulka cusub ee Trump ayaa lagu wadaa inuu markan aqoonsi siiyo maamulka ashaada la dirirka ah ee isku magacaabay Soomaaliland “Ugu yaraan tani waxay adkeyn doontaa howlgallada taliska Mareykanka ee Afrika ee Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dhanka kale Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iyo kasii mid ahaanshiyohooda howgalka cusub ee AUSOM, waxaana xogta warbixinta lagu sheegay iney caqabad ku yihiin howgalada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya.

Waxay sidoo kale xukuumada Washington sheegeysaa in askarta Itoobiya ay yihiin kuwa habacsan oo ciidamada mujaahiidinta Al-Shabaab fursad u siinaya iney fuliyaan howgallo waaweyn oo khasaaro badan geysta.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka baqanaya in ciidamada mujaahidiinta ay hormar balaaran ku sameeyaan hanaankooda howgallada dhanka kalana ay bilaabaan beegsiyo hor leh oo ka dhan ah danohooda, waana cabsiga ugu weyn ee ay hadda xukuumada Washington wajeheyso.

Dhinaca kale wadamada dhaca qaarada Afrika intooda badan ayaa hadda si aad ah uga baqanaya in taliska militari ee AFRICOM uu yareeyo saameyntiisa qaarada, si gaar ahaaneed dalka Kenya oo dharbaaxooyin culus in muddo ah kala kulmaya ciidamada mujaahidiinta Al-Shabaab.

Gunaanudkii dalal badan oo uu Mareykanku saameyn ciidan ku lahaa ayaa hadda wadnaha farta kuwada haya, waaana kuwa si aad ah uga baqanaya hadii nidaamka cusub ee Trump uu ciidamadiisa la boxo in har cad laga saaro qasriyadooda awoodana ay gacanta u gasho ururada ay dowladahaas ka baqanayaan ha noqdaan kuwa mucaarad ah ama kuwa jihadi intuba.

FAAFREEB PRO