Kooxda xasarahada caalamiga ah ee International Crisis Group ayaa daabacay warbixin ay tooshka ugu ifinaayaan xaalada rasmiga ah ee ka taagan qaaradan Afrika sida xiisadaha colaadeed ee isbarkan min laga soo bilaabo galbeedka ilaa lagu keeno bariga iyo sida dowladdo badan ay maanta ugu baahanyihiin taakulo dhanka galbeedka si ay uga hortagaan kooxaha ay loolanka kula jiraan.
Waxay warbixintu ugu horeyntii sheegeysaa in ilaa 1990-kii ay ololeyso qaarada Afrika, ayna la kulantay dhibaatooyin ay sanado badan ku qaadaneyso iney kasoo ka bato, halka dhanka kale reer yurub iyo Mareykankuna ay yihiin kuwa ku hanti beelay halkan iyagoo aanan xaqiijin inta badan ahdaaftooda.
Hadaba warbixintan oo loo qodobeeyey ilaa 8 ciwaan ayaa qodobka Afaraad lagu soo qaadanayaa arimaha Soomaaliya iyo loolanka xoogan ee ka socda gudaha dalkan ee lagu doonayo in lagu burburiyo nimaadka ridada ah ee Muqdisho.
Kooxda International Crisis Group ayaa sheegeysaa in awooda xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ay tahay mid sii lixaadsaneysa waayahan dambe, naafeyn xoogana u geesaneysa kooxda murtad Xasan Guguurte.
Waxaa sidoo kale warbixinta lagu soo hadal qaadayaan fashilka uu kusoo idlaaday duulaankii madaxa kooxda ridada uu ku iclaamiyey mujaahidiinta kadib dib u doorashadiisii, waxayna kooxda International Crisis Group sheegeysaa marka laga soo tago dagaalada lagu jibiyey murtadiinta sidoo kale duulaankii Guguurte waxa fashiliyey uu yahay qabyaalada iyo dagaal beeleedyada laga hurinayey Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo Galgaduud.
Hadii kooxda ridadu xaalkeedu uu sidaas noqdey ayey warbixintu sheegeysaa iney wali ku qasbantahay iney maciin bido shisheeyihiin guusha waxa ku dhowr 20-ka sano loodin waayey awooda mujaahidiinta bariga Afrika, kaas oo sanadkan markale laga badalay shaarkii uu ku howgalayey.
International Crisis Group ayaa sheegeysa in howgalkaas uu u baahanyahay fangaeen taasina ay u muuqato mid sii mugdiyoobeysa, mushaharka ciidamada ka tirsan howgalka AUSOM-na uu mark aanan fogeyn noqon doono mid isku dhiib dhiib ah.
Waxay sidoo kale lagu waramayaa in loo baahanyahay dhaqaale dib u habeyn loogu sameeyo ciidanka murtadiinta ee isku dhax yaacsan sidoo kale aanan awoodin inuu ka hortago cududa mujaahidiinta Al-Shabaab, balse midaas ay adkaatay in ciidan Soomaali ah lacag loo helo iska daaye waaba hadii kuwii shisheeyey mushaharkooda meel la saaro.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha debadda ee Senate-ka Mareykanka gaalka lagu magacaabo Jim Risch uu si wayn kaga hor-yimid qaraarkii lagu qeybiyay sida kufriga caalamiga ah u qaysanayo maalgelinta AUSSOM oo ah isbahaysi cusub oo lagu beddalay ATMIS, xilli sidan oo kale uu qaraarkaasi u diiday urur gaaleedka midowga Yurub.
Risch ayaa ku dooday in qaraarka golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu keeni doono in Mareykanka lagu xiro waajibaad maalgelin oo joogto ah, taas oo uu sheegay in ugu dambeyn ay culays ku noqon doonta canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka.
Wuxuu sheegay in Maraykanka uu ku tacab beelay maalgelinta howlgalka ay kuffaarta Afrikaantu kaga jiraan Soomaaliya, lacago balaayiin dollar ahna uu ku bixiyay dagaalka ka dhanka ah Shabaabul Mujaahidiin, sidaas darteed na aysan wax natiijo ah kasoo bixin.
“Mareykanku wuxuu bixiyay lacag aad u badan, balse horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya waa mid yar,” ayuu yiri Risch oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha debadda ee aqalka Senate-ka Maraykanka.
Dhanka kale warbixinta International Crisis Group ayaa sheegeysa in howgalka AUSOM uu wajahayo ciidan yari, iyadoo aysan kooxda ridada wali gacanta ku heyn ciidankii la sheegay ee gaarayey ilaa 12,000 ee askari intiisa badan, waxaana la is weydiinayaa ma dowladdo badan ayaa ciidamadooda dib u dhigtay markii ay arkeen masiirka kooxda ridada ee dhanka mushaharka ciidanka AUSOM.
Mar hadii dowladihii iyo ururadii balan qaaday lacagta lagu wadayo howlka AUSOM ay sidaan uga waji leexsadeen kooxda ridada, waxay warbixintu sheegeysaa in dantu ay tagi doonto in la maciin bido dalal kale oo horay ugu muuqday kuwa wax yar balan qaaday sida kuwa dhaca gacanka carbeed Turkiga, Japan iyo Shiinaha.
Masiirka kooxda ridada ayaa si aad looga dardaar warinayaa daqiiqad walba, waxaana mid fashil kusoo idlaan doona u muuqda dagaalkii diin la dirirnimo ee ay kooxda ridada Soomaaliya dalkan ka waday wax ku dhow 20-ka sano.
Reer galbeedkii dhistay maamulkan ridada ah ayaana hada sida muuqata gamaha ka taaganaya sii maalgalintiisa, maadaama uu ogaaday xaqiiqada waxa ka socda saaxada iyo in si sahlan aanan lagu ciribtiri karin mujaahidiinta Al-Shabaab oo isku dhaarsaday sidii loo zuulin lahaa cadawga midibada kala duwan leh dalkana looga dhigi lahaa mid lagu maamulo shareecada Islaamka.
FAAFREEB PRO