Wargeysyada Reer-Galbeedka oo Soo Bandhigay Khasaaraha Yahuuda kasoo Gaaray Qaza.

Sep 15, 2024

Qaar kamid ah majaladaha kasoo baxa dunida gaar ahaa kuwa laga leeyahay gudaha maamulka yuhuuda, ayaa daaha ka rogay natiijada dhabta ah ee dhalatay dagaalka Qaza iyo caga jiidka uu Natanyaahu ka caga jiidayo in la gaaro heshiis xabad joojineed.

saxiifada The Times ee kasoo baxda dalka Ingiriiska, waxay nashrisay warbixin ay ku lafa gureyso qodobkan, iyadoona sheegtay in dagaalka Qaza uu caalamka galiyey sicir bararka dhanka maciishada ah waliba meeshii ugu sareysay sanadahan, waxaana adkaaday in xitaa dadka Filistiiniyiintu ay iibsadaan waxyaabaha daruuriga ah.

Wargeyska oo soo xiganaya Laba kamid ah dhakhaatiirta Filistiinyiinta ayaa sheegay in xaalada marinka ay tahay mid dhaqaale ahaan ka hooseysa pracenteg aanan la suureysan Karin, dadkuna ay wadooyinka ugu lee’anayaan macluul awadeed, markii laga hadlayana dhanka caafimaadka ayba go’een inta badan waxyaabihiin muhiimka u ahaa xarumaha daryeel ee loo adeegsan lahaa bukaanada.

Waxaa sidoo kale qoraalka majaladan lagu sheegay, in maamulka yuhuuda uu dagaalkan ka dhaxlay dhibaatooyin badan, natiijooyinka hada horyaalana ay yihiin kuwa aanan farxad galin dhabaan inta u sacba tunta kayaanka sahyuuniga ah, waxaan qoraalka lasii raaciyey in Binyamin Natayaahu uusan midaas ku quus qaaday, walina uu wado talaabooyin sii kala fogeyn kara wadahadal xabad joojineed oo dhaca.

Marka laga hadlayo dibadbaxyada xoogan ee gilgilay caasimada ah dunida ugu waaweyn, min laga soo bilaabo London, Berlin, Paris, Ankara, Jakarta, Istanbul, Islama Bad, Dhaka iyo Washington, waxay saxiifada Haaretz sheegeysaa in midaas ay ku timid siyaasad xumadaas ay ku timid madaxada maamulka yuhuuda, ayna tahay mid kamid ah natiijooyinka qaraar ee ay xukuumadan isugu yeerta Israel ka wajaheyso caalamka intiisa kale.

Majaldan oo sii wadata ka hadalkeeda qodobkan ayaa sheegtay, in hadii Binyamin Natanyaahu uu sii wado xoojinta weeraradiisa ku aadan dhanka koonfureed ee Lubnaan, ay sabab u noqon doonto in ay yuhuuda iyo ururuka isugu yeera Xisbullah ay markale goradda is galiyaan waliba si aanan la mahdin oo uu dhiig badani ku daato, kana daran midka hada ka socda gudaha Filistiin.

Wargeysyada wax ka qoray qodobkan waxaa sidoo kale kamid ah The Gardiun, waxa uu sheegay in waxyaabaha kale ee laga dhaxlay dagaalka Qaza ay kamid yihiin, in askarta yuhuuda ay laayeen shaqaalo fara badan oo ka tirsan hay’ada QM kuwaas oo arimo kale duwan ugu sugnaa gudaha Filistiin gaar ahaa marinka Qaza.

Joornaalka ugu dambeeya ee wax ka daabacay qodobkan ah natiijooyinka qaraar ee ay yuhuuda ka dhaxlen howgalkan uu go’i rabto mudada sanadka ah, waa New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in dagaalka intii uu socday ay dadka Filistiiniyiintu heleen kalsooni xad dhaaf ah iyo dhiiranaan dheeri ah, sahaayinaduna ay hada ka cabsi qabaan iney la kulmaan weeraro kaligii duulnimo ah oo lagu qaado xarumohooda iyo talisyadooda gaar ah, sidiiba ay warbaahintu soo tabineysay todobaadkii tagay.