Joornaalka The Guardian ayaa warbixin ka daabacay caleema saarkii Trump iyo masiirka la saadaalinayo inuu ku hogaamiyo bulshada Ameerikaanka ah Afarta sano ee soo aadan.
Waxay jariiradu ugu horentii sheegeysaa in Donald Trump muddo xileedkiisan uu doonayo in Mareykanka uu lugaha u galiyo khalalaasooyin fara badan, iyadoo sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Trump khudbadiisa caleema saarka xitaa laga dhadhansanayey hadalo uu kugu diganayo dimuquraadiyiinta dhanka kalana uu ugu hanjabayo dowladdaha loolanka dhaqaale iyo kan caskari uu kala dhexeeyo.
Waxaana xusid mudan Trump u uku hanjabay iney waayahan lasoo wareegi doonaan gacanka Panama sidoo kalana xiriirada dhaqaalaha caalamka uu wax ka badali doono, iyadoo isla markiiba farta lagu fiiqay Shiinaha oo Mareykanka kala dhexeeyo loolan dhaqaale oo xoogan.
Waxayna jariirada The Guardian aaminsantahay in arrimahan isbarkan oo idil ay mugdi galin doonaan siyaasada Mareykanka Afarta sano ee aadan, lagana yaabo in albabao hor leh ay ku furto nidaamka cusub ee Mareykana.
Inta badan wargeyskayada caalamka ayaa farta ku fiiqaya siyaasadaha qalafsan ee uu xafiiska la yimid Donald Trump, iyagoona ku tilmaamay iney yihiin kuwa danaha Mareykanka intooda badan dhulka galin doona sababina gara khalalaaso siyaasadeed.
FAAFREEB PRO