Washington Post-Kadib Dilka Yaxya Sinwaar Qaza Nabad Miyey Noqon Doontaa?.

Oct 22, 2024

Wargeyska Washington Post ayaa nashriyey maqaal ciwaankiisu uu yahay Qaza nabad ma noqon doontaa kadib dilkii Yaxya Sinwaar?

Waxay ugu horeyntii majaladu sheegeysaa in midan ay tahay su’aasha ugu badan ee hada lagu gorfeynayo miisaska siyaasada caalamka gaar ahaan kuwa bariga dhexe, waxaana inta badan la aamisanyahay buu joornaalku leeyahay in jawaabtu ay HAA tahay, maadama Sinwaar loo arkay caqabada kaliya ee hortaagneyd in heshiis dag dag ah la gaaro.

Balse Ishaan Tharoor oo ah qoraaga warbixinta qalinka u qaatay waxa uu leeyahay waxaa jirta aragti midaas ka duwan oo aanan marnaba la iska indha saabi karin, waana in hadda aysan soo muuqan raadad horseedi kara in xal dag dag laga gaaro colaada ka holceysa Filistiin gaar ahaan mida marinka.

Waxa uu qoraagu leeyahay “Ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya in xabbad joojin ay soo dhowdahay, Israel-na waxayba hada siiba Laba jibaartay beegsiyadeeda ay ka wado gudaha Qaza, iyadoo xitaa diidan mudooyinkii dambe gudbinta adeegyada gurmadka ah ee gala gudaha marinka” isagoona dabacan u muuqda in Ishaan Tharoor uu si aad ah usoo daawada waxa xasuuq ah ee saacadihii lasoo dhaafay ka socda gudaha Qaza gaar ahaa xerada Jabaaliyah.

Dabcan sida aan sheegnay hadda waxaa is barbar socda Laba aragti oo ay mid sheegeyso in dilka Yaxya Sinwaar uu Filistiin usoo dabaalin doono nabad iyo aragti kalo oo iyada leh dilkiisa dagaalka ayuu kaliya dab kusii shiday, hadaba ma jiraa ugu yaraan xitaa astaamo muujinaya qorshaha xiga ee maamulka yuhuuda uu ka damacsanyahay dagaalka Qaza kadib dilkii uu u geystay Yaxya Sinwaar?

Haa ayaan dhihi karnaa, sababtoo ah Binyamin Natayaahu waa midkii ku goodinayey kadib dilkii Yaxya Sinwaar iney dagaalka sii wadi doonaan ilaa ay maxaabiistooda u tagaan, waliba hadalkiisa qofka dhageystay waxa uu ka dha dhansankarey in maxabiista aysan dooneyn in wada hadal lagu soo furto ee uu doonayo qaab xoog ah inuu ku tago halka ay joogaa, taasina dabcan waa sii socosho dagaal un ee nabad ma ahan.

Ugu dambeyntii wargeysku waxa uu qodobkan kusoo afmeerayaa hadal uu yiri Ryan Crocker oo ah diblimaasi hore oo Ameerikaan ah xilli wareysi uu siinayey saxiifada Politico, isagoona yiri ” Hal shey ayaan ka bartay dagaaladii Afghanistaan, Ciraaq iyo kan maanta ka socda gudaha Qaza, waana in qof fikir aamisan misana u dagaalamaya dhulkiisa aanan marnaba laga adkaankarin haba soo gaaraan wax walbee”.

Dabacan waxa uu kawadaa reer Qaza macquul ma ahan in marnaba la loodiyo ileen waa dad xaq ku dagaalamayo oo dhiintooda iyo dhulkooda difaacanayee.

FAAFREEB PRO