Mid kamida dowladaha reergalbeedka ee sida aadka ah utaageeraysa xasuuqa lagu hayo shacabka magaalada Qaza ayaa awaamir cusub oo bahalnimo siisay ciidanka Sahaayinada.
Annalena Baerbock oo ah wasiirradda arrimaha dibadda dowladda Jarmalka ayaa ugu baaqday ciidanka Yahuudda in uu sii wado xasuuqa uu ku hayo shacabka Qaza.
Waxay marmarsiimo usameysay xasuuqa shacabka iyadoo tiri “Waxaan israa’iil ku taageeraynaa xaqnimada in ay is difaacdo,in Xamaas lagu beegsado iskuullada iyo xaafadaha ay ku gambanayaan waa wax wanaagsan sababtoo ah waa urur argagaxiso”.
Dowladda Jarmalka ayaa bogaadisay xasuuqa loo geystay inkabadan 42 kun oo muslimiin ah kuwaas oo ubadan carruur iyo haween, waxaase layaab leh in dowlad sidaas dhaqankeedu yahay ay sheegato ilaalinta xuquuqda insaanka.
Inta badan dowladaha reergalbeedka ayaa lasafan Yahuudda waxayna gummaadka shacabka muslimiinta ku sheegayaan mid lagu beegsanayo wa ay ugu yeereen Argagaxiso,tan iyo markii uu billaawday howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa ayuu feydmay wejiga madoow ee khawanadii isqarin jiray.
FAAFREEB PRO