Walaaca laga muujinayo heshiiska xabad joojineed ee Qaza oo ziyaadaya iyo wasiirka arimaha dibada Ruushka oo ka hadlay arinkaas.
Sida lagu waramayo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa saacadihii lasoo dhaafay walaac ka muujiyay suurtagalnimada in uu burburo heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza ee u dhaxeeyay yuhuuda iyo kooxaha muqaawamada Filistiin, iyadoo wax lagu dhisanayo xaalada uu ku suganyahay waqti xaadirkan iyo hadalada ay dhinacyadu isdhaafsanayaan.
Waxa uu Lavrov inta uu hadlayey uu yiri “Waxaa jira hanjabaado ka imaanaya Israa’iil iyo Mareykanka oo ku aadan in ay dib u billaabayaan howlgallada milateri ee Qasa, waxan dooneynaa inaan ka hortagno midaas oo aysan dhicin .”
Tani dabcan waxa ku biireysaa dardaar warin maalmihii lasoo dhaafay kasoo bexeysay dhanka heshiiska Qaza, waxaana hada lawada sugayaa waxa uu xaalku noqon doono hadii kooxaha muwaaqamada ay kad habeeyaan ineysan sii deyn doonin maxaabiista yuhuuda maalinka Sabtida ah ee soo aadan.
FAAFREEB PRO