Weerar kaligii duulnimo oo askar Yahuud ah lagu laayay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xuduud beenaadka u dhexeeya Falastiin iyo Urdun.
Waxaa lagu soo waramayaa in ruux Filistiin ah uu weerar naftii hurnimo ah ku qaaday taliska maraakiibta dagaalka yuhuuda ay ku leeyihiin xuduudka Karama ee u dhexeeya Filistiin iyo Urdun, shaqsiyaga ayaana xilliga uu howgalka fulinayey saarnaa gaari xamuul ah, isagoona askarta yuhuuda rasaas ooda kaga qaaday xilli uu saarnaa dusha sare ee gaariga.
Baaritaano ay sameeyeen maamulka gumeystaha ayey ku sheegeen in ruuxa filistiiniga ah uu ka yimid dhanka Urdun, ujeedkiisuna uu ahaa in halkan uu ka fuliyo howgalkan ay dhiiranaantu ka muuqatay, waxayna Saraakiisha yuhuuda sheegeen iney ugu dambeyn dileen kaligii duulaha.
Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in halkaas uu dhaawacyo halis ah kasoo gaaray ilaa 3 askari oo yuhuud ah, iyadona qaarkood hada lagu dabiibayo isbitaalada ciidan, kuwan ay marayaan qaliino xaga wadnaha ah maadaama ay rasaastu ka haleeshay meelo ay halis ah.
FAAREEB PRO