Weerar hubaysan ayaa ka dhacay madaxtooyada dalka Jaad maalmo kadib markii madaxweynaha wadankaas uu amray in ciidanka Faransiiska laga saaro dalka Chad.
Sida uu saacadihii lasoo dhaafay baahiyey joornaalka Ra’ayul Youm, xukuumada Chad ayaa warbaahinta u sheegtay in fiidnimadii xalay kooxo hubeysan ay soo weerareen madaxtooyada wadankaas, waxaana sida lagu waramayo meesha ka dhashay khasaare xoogan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Waxaa meesha lagu dilay ilaa 19 ruux oo 18 kamid ah ay yihiin ragii weerarka soo qaaday, waana sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay dowladda wadankaas, tirade kooxda weerarka soo qaaday ayaana lagu sheegay iney gaareyso ilaa 24 shaqsi.
Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo laga bixiyey weerarkan lagu qaaday madaxtooyada Chad, mana cad hadii xitaa abaabulka kooxda weerarka fulisay ay yihiin kuwa uu gadaal ka maamulayo Faransiiska, oo lagu wargeliyey in ugu dambeyn ciidamadiisa uu dalkan kala boxo 31 bishan aynu ku guda jirno ee January.
FAAFREEB PRO