Weeraro Lagu Beegsaday Murtazaqada Ruushka oo Ka Dhacay Maali

Aug 8, 2024

Ciidamada mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin, ayaa guulo hor leh kasoo hoyay furimaha hore ee dagaalka waqooyiga Maali, halkaas oo saacadihii ugu dambeeyay ay ku xoreeyeen deegaanno iyo saldhigyo millatari.

Warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay mujaahidiinta Nusratul islaam wal-muslimiin, ayaa lagu sheegay in weerar dhabba-gal ah oo xooggan lala beegsaday kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan murtazaqada Ruushka ee Faagnar, kuwaasi oo ku socdaalayay tuulada Iquzar ee dhacda duleedka magaalada Kiidaal ee waqooyiga Maali.

Mujaahidiintu waxay sidoo kale sheegeen in kolonyada la beegsaday ay ka koobnaayeen laba gaari iyo Taangi ay wateen murtazaqada Ruushka saliibiyiinta ah ee Faagnar, Allah fadligiis na ay si wanaagsan ugu dhaceen weerarka, dagaal culus kaddib na ay ku qasbanaadeen inay goonta si deg deg ah kaga cararaan, una jihaystaan dhanka magaalada Kiidaal.

Maalin ka hor ayay ahayd markii weerar culus oo dhabba-gal ah lagu beegsaday kolonyo saliibiyiin Ruushiyaan ah oo ka tirsan murtazaqada Faagnar, kuwaas oo roondo ka sameynayay inta u dhaxayso tuulooyinka Marja iyo Karifor, halkaas oo khasaare culus oo dhimasho iyo mid dhaawac ah lagu gaarsiiyay murtazaqada, wallow uu cadowgu qariyay khasaaarahaasi baaxadda leh.

Dhanka kale, mujaahidiinta Al-qaaciddada ee ka jihaada galbeedka Africa, waxay shaaciyeen in gelinkii dambe ee shalay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta saldhig millatari oo kuyaal deegaanka Kawakuru iyo sidoo kale dhammaan barihii Control ee ammaanka deegaankaasi laga sugayay.

22-ka bishii ina dhaaftay ee Muxarram ayay ahayd markii uu dhacay kamiinkii aaadka u xoogganaa ee lagu laayay murtazaqada Ruushka ee Faagnar, waxaana tan iyo wixii weerarkaasi ka dambeeyay mujaahidiinta gacantooda kusoo dhacay saldhigyo milatari iyo deegaanno dhowr ah, kuwaas oo ay isaga carareen murtazaqada Ruushka iyo murtadiinta Maali.