Madaxweynaha maamulka riddada ah ee la baxay Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa saaka safarkiisii ugu horreeyay tan iyo intii uu hoggaanka u qabtey maamulkaasi ugu kicitimay dawladda riddada ah ee Isutagga Immaaraadka Carabta.
Bayaan goor dhawayd kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka riddada ee Somaliland ayaa lagu sheegay in booqashada weftigani ay jawaab u tahay marti-qaad rasmiya oo maamulkaasi ay usoo dirtay dawladda riddada ee Isu-tagga Imaaraat-ka Carabta.
Warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in culaysyo Cabdiraxmaan-Cirro kaga yimid dhanka dawladda riddada Jabuuti iyo dawladda Saliibiyada ee Xabashida Itoobiya dartood uu u tegay Imaaraatka Carabta maaddaama sida la sheegayo ay dalalkaasi xusul-duub ugu jireen in midba kan kale uu kaga hor-maro la-kulanka hoggaanka cusub ee Somaliland.
Ilo-wareedyo u dhuun-daloola dhanka madaxtooyada maamulka riddada Somaliland ayaa qaybo ka mida warbaahinta u xaqiijiyey in diyaarad gaar ah uu Imaaraad-ku u soo diray C/Raxmaan-Cirro, kaas oo hoggaaminaya wefti saaka ka ambabaxay magaallada Hargeysa.
Murtad Cirro ayaa u muuqda mid wax ka beddelay qaababkii ay qawsaarradii ka horreeyey ku daah-furi jireen safarradooda dibadda, iyadoo la ogyahay in safarradooda ugu horreeya ay ku tagi jireen dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.
Sida xogo dheeraad ah oo laga helayo safarka Murtad C/Raxmaan-Cirro ay tibaaxayaan waxaa la filayaa in heshiisyo hor leh uu lasoo galo maamulka riddada ah ee Imaaraadka Carabta oo haatan calanka u sida duullaannada ay dalalka Kuffaarta caalamka iyo maamullada Riddadu ku hayaan dadyowga muslimiinta ah.
Maamulka riddada Imaaraadka carabta oo had iyo goor ka shaqeeya danaha kuffaarta caalamka iyo Yahuudda ayaa Sharikaddiisa DP World waxay 2016-kii heshiis xaaraan ah kula wareegtay gacan-ku-haynta dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera, taas oo Itoobiyana ka siisay saami dhan 19%.