Xaalad Niyad Jab ah oo soo Wajahday Sufuufta Yuhuuda.

Aug 5, 2024

Saxiifada Ny Times ayaa daabacday maqaal cusub oo ay daaha uga rogeyso ciidamada Yahuudda ee ku sugan gudaha Qaza oo la ogaaday in ay ku daaleen dagaallad ayna wajahyaan xaalad quus ah, halka kuwa kalana ay naftooda jareen ka hor inta aysan haleelin xabada muqaawamada.

Qoraa Ameerikaan ah oo lagu magacaabo Erica Solomon ayaa sheegay in isbuucii lasoo dhaafay uu kooxaha wax iska caabinta Filistiin u ahaa mid mugdi ah, maadaama ay waayeen masuul sare, balse dhanka kale waxay xaalad argagax ah oo hor leh ay u bilaabatay maamulka gumeystaha yuhuuda iyo askarta hada ku sugan gudaha Qaza.

Waxa uu qoraagu sheegay in dilka Ismaaciil Haniyah iyo sheega sahaayinada ee ah iney ka taqaluseen Maxamed Deyf, uu gumeystuhu u heysay iney soo afjari doonto dagaalkii tobanaanka sane ka dhax aloolsanaa iyaga iyo muqaawamada, balse taasi ay goor dambe u muuqatay mid dhalanteed ah, wax iska caabintuna ay hada sameyneyso bira tumasho hor leh, waa sida hadalka loo dhigee.

Sidaa darted waxaa ziyaaday xaalada quusta ah ee ay muujinayaan askarta yuhuuda eek u sugan furimaha dagaalka Qaza, qaarkood ayaa har cad is dhaafiyey nafta, halka kuwa kalana ay si toos ah ay ugu bareerayaan meela ay naftooda ku weyn karaan, maadaama ay lasoo daraseen xaalado maskaxeed.

Sidoo kale Maahirow qoraaga Erica Solomon waxa uu tibaaxayaa, in kooxaha wax iska caabinta Filistiiniyiintu ay kusii adkaan doonaan aysna waxba u dhimi doonin habsami u socodkooda weynta ay waayeen Ismaaciil Haniyah, taasina ay muhiim tahay inuu ku baraarugo maamulka iskugu yeera Israel.

Marka laga soo tago in Yuhuuda ay cabsi xoogan ay kasoo food saartay dagaalka ay kula jiraan muqaawamada, wuxuu dhanka kale qoob gariin xoogan uu kaga soo furmay dhicana Beyruut, walow markii horaba xaalka labada dhinac uusan nabad galyo ahayn, hadana wuxuu sii karaar qaatay kadib xaarijintii Fu’aad Shugri.

FAAFREEB PRO