Xaalado Halis ah oo Laga soo Sheegayo Caruurta Reer Qaza.

Dec 24, 2024

Carruurta Qaza ma awoodaan inay seexdaan mana hadlli karaan sababo ku aadan dhaawacyada nafsiga ah ee kasoo gaaray dagaalka, waxaa sidaas lagu bilaabay warbixin uu daabacay wargeyska The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska.

Waxa uu joornaalku tibaaxayaa in caruurta reer Qaza ay maanta badankood wajahayaan xaalado nafsaani ah, sida iney qabsadaan walidkood waliba iyagoo sasan had iyo jeer, iney diidaan cunitaanka wax cuno ah iyo iney ka guurtay hurdadii oo aysan lidin habeeno badan.

Sida wargeysku uu kasoo xiganayo hay’ada War Child ee ka shaqeysa arimaha kobcinta maskaxda caruurta ee ay dagaaladu saameeyeen ayaa sheegtay, in ilaa 180,000 oo caruur ah oo ku nool marinka ay maanta badankood wajahayaan xaladahan.

Mar warbixintu ay ka hadleysay waxyaabaha sababay in caruurta ay soo food saaraan xaaladahan caafimaad ayey tibaaxday, in caruurta reer Qaza badankood goob jog u ahaayeen waalidkood oo ku hor geeriyoonaya, halka kuwa iyaga laftooda ay ka go’een qaar kamid ah xubnaha jirdookooda xilli aysan heysan Hooyo ama Aabe garab istaaga, waana waxyaabaha ugu badan ee caruurtan ku riday xanuunada nafsaaniga ah.

Warbixintan The Guardian waxay noqoneysaa mid kamid ah kuwa sida maalin laha ah usoo bandhiga xaalada dhabta ah ee ubadka reer Qaza iyo sida xukuumada Binyamiin Natanyaahu ay mudadan uu dagaalka socdo u noqotay mid dhiig miirato ah oo leyneysa caruurta iyo haweenka kadib markii ay kusoo fashilintay loodinta awooda kooxaha muqaawamada Filistiin.

FAAFREEB PRO