Xabsiga Cuufar ee ay Yuhuuda ku Tacdiibiyaan Muslimiinta Reer Filistiin.

Dec 23, 2024

Sida lagu waramayo maamulka gumeystaha yuhuuda ayaa xabsiga Cuufar ee ku yaala inta u dhexeysa Qudusta la heysto iyo daanta galbeed waxa uu ku guray tobaneeyo muslimiin reer Filistiin ah, isagoona halkaas ugu geesanaya jirdil nuuc walba ah leh.

Muslimiintii ugu dambeysay ee Jail-kaas la geeyo ayaa ahaa kuwa laga qafaashay gudaha isbitaalka weyn ee Al-Shifa ee ku yaala gudaha marinka, waxaana Filistiiniyiintii lagu xiray xabsiga Cuufar lagu waramayaa in qaarkood ay waayeen gacmohooda jirdilka xoogan ee ay la kulmaayaana uu sii dheeryahay.

Inta badan dadka reer Qaza ayaa cabsi xoogan ka muujiyey xabsigan, iygoo aanan soo koobi Karin waxa tacadiyaad ah ay muslimiinta halkaas kala kulmaan, waxa uuna xabsigan sidaan ugu biirayaa kuwa isaga lamid ah ee ay sahaayinadu har iyo habeen ku naafeeyaan abriyada reer Filistiin.

FAAFREEB PRO