Ra’isuul wasaaraha kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xamze Cabdi Barre, ayaa eedaymo kulul u jeediyay madaxa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, murtad Axmed Madoobe.
Isagoo ka jawaabayay diidmada ka timid madaxa maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo ee ku aadanayd qorshaha doorashada murtad Xassan Gurguurte ayuu sheegay in Axmed Madoobe uusan sharciyad u haysan in uu markale isku soo taago madaxa maamulkaasi.
R’iisul wasaaraha murtadiinta, ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusan haysan Mandate uu ku maamulo doorasho, wuxuu tusaale usoo qaatay madaxda maamullada ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirhsbaeelle iyo Koonfur-galbeed, kuwaas oo uu sheegay inay is badbeddeleen, inka badan laba jeer na uu Axmed Madoobe isu soo taagay madaxa maamulkaasi.
Doorashada madaxa maamulkaasi ku dhawaaqay ayuu ku tilmaamay mid sharci darro ah, wixii kasoo baxana aysan aqbali doonin, mar uu arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yiri “Axmed Madoobe ma haysto wax sharciyad ah iyo wax mandate oo uu ku maamulo doorashada jubbland, waa sharci darro, waxa ka dhashana waxaa sharci darro”.
Madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ee Jubbaland ayuu uga digay in uu awood ciidan adeegsado, maleeshiyada murtadiinta ahna siyaasadda u adeegsado.
Hadalka murtad Xamze Cabdi Barre ayaa kusoo beegmaya xilli madaxa maamulka Riddada Jubbaland uu qabsanayo doorasho u gaar ah oo ka madax bannaan tan Xasan Gurguurte doonayo, khilaafka dhinacyadana uu cirka isku sharee