Murtad Xasan Gurguurte hogaamiyaha Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka itoobiya, todobaadyo kadib markii uu heshiiskii xaaranta ahaa ku saxiixay magaalada Ankra ee wadanka Turkiga.
Safarka Gurguurte ayaa daaran labo arimood oo dhamaan rumaynaya royooyinka shacabka xabashida islamarkaana dhanka kale banaanka soo dhigaya gabidhacleyntiisa iyo mowqif xumida nidaamka uu hogaamiyo.
Addis Ababa ayuu kula kulmayaa rai’izul wasaaraha itoobiya Abiy Axmad, waxayna dhinacyadu ka wadahadali doonaan sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii badda loogu saxiixay xabashida sida waqtigi ugu dhow loo fuliyo.
Arinta labaad ee Xasan Gurguurte uu kala hadlayo Abiy Axmad ayaa ah sidii ciidanka nasaarada itoobiya usii joogi lahaayeen dalka, si qeyb ay uga sii ahaadaan dagaalka ashahaado ladirinimo ee kasocda Soomaaliya.