Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxda kooxda Riddada Soomaaliya ayaa socdaal aan horay loo sii qorshayn ku tagay magaalada Abu Dubai ee dalka imaartaaka carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay hoggaamiyeyaasha dalkaasi.
Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in murtad Xassan Gurguurte uu Abuu Dubaay u tagay dhowr arrimood oo ku saabsan xal u helidda khilaafka kala dhaxeeya maamullada ashahaada la dirirka ee Puntland iyo Jubbaland oo ah maamullo ay tabantaabiso dowladda Riddada ah ee Imaaraadka Carabta.
Madaxda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lasoo wariyay in uu Gurguurte uu kaga cowday taageerada ay Imaaraadku siiyaan maamullada Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, isagoo u sheegay in labada maamul ay hadda mucaarad wayn ku yihiin ajendeyaasha xukuumaddiisa Riddada ah.
Xassan murtad ayaa dhanka kale lasoo wariyay in madaxda Imaaraadka usoo jeediyay inay qaataan door dhexdhexaadin ah oo ay kala samayso maamulka Abiy Axmed, wuxuu sheegay in Itoobiya diiday wax walba oo muujinaya inay usoo dabacdo dhanka Muqdisho si heshiiska dhankooda u saxiixaan, Itoobiya ayuu sheegay inay hadda ku adkeysanayso fulinta heshiiskii uu Muuse Biixi Cabdi badda ku bixiyay.
Soo jeedinta Xassan Sheekh Maxamuud ee ah in lala heshiisiiyo Abiy Axmed ayaa kusoo beegantay kadib markii uu Turkigu kusoo fashilmay tiraba dhowr fadhiyo gaar gaar ah oo uu ku doonayay in saxiixa heshiiskii xaaraanta ahaa uu kasoo weeciyo Hargaysa una soo wareejiyo dhanka maamulka Muqdisho, kaddib markii ay Itoobiya ku adkeysatay in heshiiska Soomaaliland la galeen aysan ka laabanayn.
Dhanka kale Khalid bin Maxamed bin Zayid Al Nahyan, oo ah Dhaxal sugaha dowladda Riddada ah ee Imaaraadka Carabta sidoo kalena ah guddoomiyaha Golaha Fulinta Abu Dubaay ayaa isaga oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda Abuu Dubaay gaaray magaalada Addis-ababa, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xabashida, Abiy Axmed.
Imaaraadka ayaa ka mida dowladaha sida wayn u taageera Itoobiya, waana dowladda ka taageerta dhanka dhaqaalaha sida dekadaha, sida Berbera oo Imaaraadku saami ka siiyay xabashida Itoobiya.