Isagoo khudbad ka jeedinayay dusha markab nuuca shidaalka baara ah oo ay leedahay dowladda dabadhilifka Turkiga ayuu madaxda kooxda Ridada xasan Gurguurte sheegay in ay cabsi ka qabaan khalalaaso ka dhasho qeybsiga shidaalka ay baarayso dowladda Turkiga.
wuxuu banaanka soo dhigaya in khilaafka udhaxeeya murtadiinta dhaxdooda uu sababi karo isku dhac hubaysan oo dhaxmaraya maleeshiyaadka mooryaanta ah kuwaas oo isku qabsan doona qeybsiga shidaalka.
Xasan Gurguurte ayaa maamullada ashahadda ladirirada ah iyo maleeshiyaadka kooxdiisa uga baaqay in ay ka baaqsadaan isqaqabsi ku saleysan boobka shidaalka.
cod.
inta badan dalalka ka dhaca qaaradda Afrika ee shidaalka laga helay waxaa ka socda dagaallo dhiigbadan ku daatay waxaana kamid ah dalalkaas Nigeria,Koonfurta Suudaan,Liibiya iyo Koongada dimuquraadiga ah oo qeybsiga shidaalka ay isku haystaan dowlado muqusuq maasuqu dilooda iyo kooxo falaagga ah oo ka gadooday sedbursiga lagu sameeyay kheyraadka dalalkooda.
Warka kasoo yeeray madaxda kooxda ridada ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho uu soo gaaray markab shidaal ka baari doono xeebaha soomaaliya, dowladda turkiga ayaa doonaysa in ay boobto kheyraadka dhax ceegaaga badda iyo bariga soomaaliya iyadoo adeegsanaysa qalinka kooxda ridada.