Madaxa kooxda ridada Soomaaliya murtad Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Kooxda Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in safarka Xassan uu daaranyahay arimo ku saabsan xoojinta masaalixda labada dhinac, balse shacabka Soomaaliyeed qaarkood ayaa aaminsan in murtadkan uu markale maleegayo dhagaro uu doonayo inuu ku waxyeeleeyo dadka Soomaaliyeed ama dalkan muslimka ah.
Waxaa murtad Xasan Sheikh Maxamuud socdaalkan ku wehlinayey raga kala ah Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ah madaxa hay’ada sirdoonka ridada iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah wasiirka gaashaandhiga ridada, taasoo ay bulsho badan isweydiiyeen “maxay tahay sababta ay ragan u raaceen hadii safaku uu yahay mid booqasho kaliya kusaleysan”?
Dhanka kale safiirka kooxda ridada u fadhiya magaalada Qaahira ayaa sheegay in socdaalka Xassan Sheikh ee Masar uu daanayahay saxiixa heshiis cusub oo dhanka iskaashiga millitari ah, waana laga qariyey arinkaan dhamaan baraha kala duwan ee ay kooxdu ku leedahay Internet-ka, marka laga reebo ninkan oo kusoo dusiyey bartiisa X.
Kooxda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa ku caanbaxday heshiis lagaarida wadan walba oo cadaw ku ah Soomaaliya, iyadoona ay wali dhagaha bulshada Soomaaliyeed uu kasii shanqarayo heshiikii difaac ee uu Xasan 2023 lagalay dowladda xabashida Itoobiya.
Arinkan ayaa kusoo beegmay xilli xiisada ka taagan gobolka ay u muuqato mid cirka isku sii shareereysa, Itoobiyana ay usoo tafa xeedaneyso xayuubsiga xeebaha Soomaaliya, Xassana uu durbadiiba bilaabay duulimaadyo dahan oo uu doonayo inuu dalkan duhur cad ugu soo hogaamiyo danaha dawladdo daris nagula ah qaaradan Afrika.
FAAFREEB PRO