Murtad Xassan Sheekh Maxamuud oo ah madaxa kooxda Riddada Soomaaliya ayaa si jees jees ah ugu jawaabay dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee maalmihii u dambeeyay ka sheeganayay dhaqaale xumada ay sababtay dowladdiisa ee ka jirta magaalada Muqdisho.
Murtadkan ayaa dadka rayidka ah ee magaalada caasimadda ku dhaqan ee u badan dhalinyarada maalmihii u dambeeyay Social Media ku faafinayay dhaqaale yarida ka jirta caasimadda ka jirta ku tilmaamay kuwa tuugo ah, si uu indhaha bulshada uga jeediyo boobka iyo bililiqada ay dowladdiisa riddada ku sameysay ilihii dhaqaalaha ee dalka kuwaaas oo maanta keenay inay dhalinyarada caasimadda ka sheegtaan dhaqaale xumo aad u daran.
Wuxuu ku godiyay inay dowladdiisu sii wadi doonto boobka ay ku hayso hantida dadka Soomaaliyeed.
“Kii wax shaxaadi jiray, kii wax xadi jiray oo ay xatooyadii kasoo yaraatay waxa shiidsan waa kuwaas” ayuu yiri madaxa xukuumada fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Hadalka uu jeediyay Xassan Sheikh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadkii lasoo dhaafay baraha bulshada uu qabsaday ka hadalka waxay dhalinyaradu ugu yeereen “Shiidka Xamar”, iyagoo kumanaan dhigaalo ah oo lagu daabacay Social Media isku dultaagay halka ay mushkiladu ka jirto, waxayna badi dhalinyaradu sheegeen in dib u dhaca ganacsiga caasimadda uu la kowsaday doorashadii Xasan Maxamuud, illaa billaawgii sanadkanna uu dhaqaaluhu sagxadda tagay.
Dhaqaale xumada caasimadda ka jirta ayaa arrimaha ka dhashay waxaa ka mid ah in ganacsatadii hantida adag haystay ay lacagahooda kala baxeen Bankiyada,kuwii dhulalka iibsan jirayna cabsi ay ka qabaan xilliga kala guurka ah ay ujoojiyeen dhaq dhaqaaqyadii ay wadeen, kaddib markii xubno ka tirsan qoyska Xasan Gurguurte ay dhulboob xad dhaaf ah ka sameeyeen Muqdisho, dhulal ay ganacsato ka iibiyeenna ay qalaalaase ka dhasheen.
FAAFREEB PRO