R/wasaaraha Malaysia ayaa shirkadda Facebook ku dhaleeceeyay cunsuriyad ka dhan ah muslimiinta Falastiin, kadib markii ay tirtay dhammaan sawirradii iyo dhigaalladii laga diyaariyay Ismaciil Haniyah oo ahaa madaxii xafiiska siyaasadda ee Xamaas.
Warbixinta oo ay daabacday saxiifada The Star Maleysia ayaa lagu cadeeyey in Anwar Ibrahim oo ah hogaamiyaha xukuumada Kuala Lumpur uu maalinimadii shalay bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal sawirro lagu laray oo uu kaga tacsiyeynayo dilkii loo geystay Haniyah.
Saacado yar un kadib shirkada ameerikaanka ah ee Facebook ayaa tirtay dhamaan sawiradii ku jiray barta gaarka ah ee Ra’iisul wasaaraha Maleysiya, waliba iyadoo aanan xitaa u tixgalineyn maqaamka uu dalkiisa ka joogo, waa sida lagu yiri qoraalkee.
Talaabadaas kadib waxaa hadal dhaleeceyn ah uu kasoo yeeray Anwar Ibrahim, isagona shirkadan ku tilmaamay mid dooneysa in caalamka ay ka qariso halganka ay Filistiiniyiintu kula jiraan maamulka gumeystaha yuhuuda ee xooga loogu deegaameeyey dhulkooda.
Tani waa markii labaad ee ra’iisul wasaaraha Maleysia bogiisa facebook laga tirayo sawirro la xiriira qadiyada Filistiin, waxaana ka horeysay sawiro uu baahiyey 14 may ee sanadkan, kuwaas oo muujinyey kulan uu la yeeshay Ismaaciil Haniyah, iyaguna saacado kooban kadib waa masaxay gudaha akoonkiisa Facebook.
Dabcan shirkadan dhinaceeda madow iyo la dagaalanka qaawan ee ay kula jirto dadka muslimiinta ah waa mid bulshadu inta badan ay ku baraarugsantahay, oo xitaa waxaa Internet-ka lagu baahiyey Dukumiintariyo lagu muujinayo arinkan iyo sida Facebook shaqaalihiisu ay durbadiiba u xadfayaan ciwaan waliba oo ay ka dareemaan inuu u olaleynayo qadiyad muslim.
FAAFREEB PRO