Xiisad Udhaxaysa Maleeshiyaat Katirsan Maamulka Puntland oo Ka Taagan Boosaaso.

Sep 12, 2024

Xiisad colaadeed oo u dhaxaysa maleeshiyo ka wada tirsan maamulka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Puntland, ayaa ka taagan mgaalada  Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay isku hayaan maleeshiyo kala taabacsan murtad Siciid Deni iyo kuwa PSF loogu yeero.

Xiisadda ayaa timid markii taliska maleeshiyaadka ashahaada la dirirka ah ee PSF loogu yeero ay soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegayaan in maleeshiyo iyaga ka tirsan oo dhaawacyo qaba laga hor istaagay inay ka dhoofaan madaarka Boosaaso.

PSF waxay sheegtay in maamulka garoonka diyaaradaha ee degmada Boosaaso uu gacanta ugu jiro ciidamo iyo qole gaar ah, isla markaana uu noqday mid aan la isku hallayn karin, shaqada garoonka ayayna sheegeen inay joojiyeen, iyaga oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha sidoo kale waxay dadka shacabka ah ugu baaqeen inay halkaasi ka guuraan.

Xiisadda Boosaaso oo u muuqata mid dagaal isku beddeli karta ayaa durba waxaa magaaladaasi ka billowday barakac ay samaynayaan dadka deegaanka, maamulka ashahaada la dirirka ee isku magacaabay Puntland ayaana si wayn uga carooday barakaca xooggan ee ay billaabeen dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Masuuliyiin u hadashay maamulka Siciid Deni ayaa si adag uga hadlay barakaca ka billowday magaaladaasi, waxayna u goodiyeen gaadiidleyda ka howlgala magaalada Boosaaso, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay lacago ka sameeyaan colaadda waa sida ay hadalka u dhigeene.

Maleeshiyada daacadda u ah Siciid Cabdullaahi Deni iyo saraakiisha maleeshiyaadka ashahaada la dirirka ah ee PSF magacooda loo soo gaabiyo ayay horay dirir ku dhex martay gudaha magaalada Boosaaso, halkaas oo ay askar isaga dileen kuwa kalena ay isaga dhaawaceen, lama oga halka ay ku biyo shuban doonto xiisadaha markale kasoo cosboonaaday magaalo xeebaadkaasi.