Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed ayaa saacadihii lasoo dhaafay xilka ka xayuubiyey madaxweynihii dalkaa, kadib markii ay circa isku sii shareertay carada shacabka oo sabab u ahayd amarkii uu bixiyey ee ahaa in dalka uu galin doono xaalad dagaal.
Yoon Suk Yeol ayaa si rasmi ah waxaa looga mamnuucay dhamaan shaqooyinkii uu ka hayay xafiiska ugu sarreeya dalkaas, waana sida uu ku dhawaaqay baarlamaanka wadankaas oo sheegay inuu tixgalinayo kacdoonka shacabka.
Sidoo kale maxkamadda ugu sareysa wadankaas ayaa haysata illaa 180 maalmood si ay u go’aamiso in Yoon xilka lagaga qaadayo iyo in kale, maadaama qaabka hada looga qaaday xilka uu yahay mid dhiig joojin ah oo ka timid dhanka shcabka, hadii la isku waafaqo in xilka laga tuuro ninkn ayaa lagu waramayaa in doorashada madaxweynaha lagu qaban doonaa 60 maalmood gudahood.
Xogta joornaalka ayaa intaasi ku dareysa in xilka madaxweyne uu haatan qaab kumeel gaar ahaan ah uu ula waregay ra’iisul wasaaraha dalka Han Duck-soo, uuna heyn doono ilaa xaalada dalka ay dhinac u dheceyso.
ilaa soo bilaabo shanti Bishan aynu ku guda jirno ee December shacabka Kuuriya Koonfureed ayaa waday dibadbaxyadan, waxayna ugu dambeyntii hada ku dhawaaqayaan waan gaarnay hadafkeena kursigana waan ka ridnay Yoon Suk.
FAAFREEB PRO