Warbixin uu daabacay wargeyska Al-Sharqul Awsat ayaa ka hadleysa xiisada Labada gacan ee Kuuriya oo weli halkeedii kasii socota iyo dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ay sameeyeen dhinacyada.
Xogta joornaalka waxay ugu horeyntii sheegeysaa in Pyongyang ay tan iyo sabtidii ay sameysay howgallo cul culus oo ka dhan ah Seol kuwaasoo aanan ilaa hada la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Dhanka kale Kuuriyada Woqooyi ayaa tijaabisay gantaal ay ku sheegay inuu yahay midkeeda ugu casrisan uguna awooda badan kaasoo ay magaciisa ku sheegtay ICBM, waana gantaalkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay riddo xukuumada Kim Jon Un mudooyinkan, ayaa lagu yiri qoraalka warbixinta.
Kuuriyada Koonfureed ayaa iyadoo midaas ka jawaabeysa waxay riday gantaal nuuciisu uu yahay ballistic, si ay iyaduna u muujiso awoodeeda gobolka una shar jabiso daan daansiga uga imaanaya dhanka Kuuriyada Woqooyi ayuu yiri Al-Sharqul Awsat.
Gaba gabadii warbixintu waxay sheegeysaa in Pyongyang ay sidoo kale carqaladeysay nidaamyada isku socodka waliba iyadoo faragalin ku sameysay qalabka GPS-ka, maraakiib fara badan ayaana la kulmay caqabado dhanka safarka ah kadib howgaladaan dhinaca GPS-ka ah ee ay ka wajaheen dhanka gacanka kuuriyada Woqooyi.
FAAFREEB PRO