Sida ay sheegayaan xoga kasoo baxaya qaar badan oo kamid ah wareysyada qaarada Afrika xukuumada kampala ayaa wajaheysa cadaadisyo xoogan oo uga imaanaya dhanka ururo waaweyn oo mucaarad ah kuwaas oo kusoo lug yeeshay xiisada qalalaaso ee wadankaas ka taagan tan iyo isbuucii hore.
Warbixin uu daabacay mid kamid ah saxiifadaha kasoo baxa dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ku dhawaad tobaneeyo mucaarad ah oo ka tirsan xisbiga ugu weyn ee mucaaradka Kenya ay durbadiiba gaareen gudaha dalka Uganda si ay uga qeyb qaataan rabshadaha halkaas ka socda ee lagu doonayo in xillka looga tuuro yoweri museveni.
Ragaan ayaa isbadal weyn ku sameyn doona hanaanka ay bulshadu u wadaan dibadbaxyada, iyagoona damacooda ugu weyn uu yahay iney Uganda ay marti galiso wax ka balaaran wixii ay martigalisay Kenya.
Dhanka kale xukuumada Kampala ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegtay iney gacanta ku dhigtay ku dhawaad ilaa 36 xubnood oo ka tirsan mucaaradka cusub ee dhawaan soo galay gudaha Uganda.
Iyagoona intaas ku daray in ragaan la hor keeni doono maxkamada sare ee magaalada Nakawa, balse ma cada in wadanka oo idil ay ragan mucaarad ah si aad ah ugu baaheen iyo in kale.
Xiisada kacdoon ee ka taagan gudaha dalka Uganda ayaa mudooyinka dambe qabsatay canaawinta ugu horeysa ee warbaahinta qaarada Afrika, shacabka ayaana si aad ah ugu muuqda mid u boholyow qaba in xukuumada museveni laga tuuro kursiga si badalkiisa ay u helaan mid isaga dhaama.
FAAFREEB PRO